Kooxda hogaamineysa Premier League ee Liverpool ayaa marti u noqon doonta Man United oo ku jirta marxalad aan qurux badneyn, waana markii ugu liidatay oo ay kooxda ugu guulaha badan Ingiriiska sidaan ku bilaabatay muddo 30-sano ah.

Reds waxey shaqeysatay 24-dhibcood kadib 8-kulan oo ay ciyaareen, halka Red Devils ay la timid kaliya 9-dhibcood, waana farqi weyn maadaama kooxina aysan wali gaarin saddex kulan oo guul halka kooxda kalana aysan hal dhibic xitaa lumin.

Dadka ka faallooda arrimaha ciyaaraha waxey kulankaan hadal hayaan iskuna khilaafsan yahiin badankooda inta gool oo ay kooxda Liverpool kaga badin karto dhigeeda, iyagoo ku saleynaya awoodda labada kooxood ee hadda iyo sida ay koox walba usoo bandhigtay sharteeda intii la ciyaaray.

Waa hubaal in kulanka uu noqon doono mid adag, labada kooxoodna uu ka dhaxeeyo xifaaltan adag oo soo jireen ah, waxaana la filan karaa in kulanka uu ka adkaado sida la rajeynayo.

Dhinaca kale bogga Facebook-ga ee shabakadda Daily Mail waliba qeybteeda ciyaaraha ayaa maad yar kasoo qoray tababar ay sameynayeen xiddigaha Liverpool kuwaas oo la sawiray iyagoo ciyaaraya Kubadda Koleyga, xilli laba maalmood kaliya uu ka haray kulanka.

“Liverpool waxey laba maalmood gudahood la ciyaareysaa Man United, waxeyna isaga mashquulsan yahiin ciyaarista kubadda koleyga, waa xushmad darro” ayaa lagu soo qoray bogga iyadoo la raaciyay falcelin qosol ah.

Waxaa jiray dad badan oo kasoo ra’yi dhiibtay, labada kooxood taageerayaashooda uma kala harin in mid walba uu dhiibto fikradiisa.

“Waa iney iska seexdaan ilaa maalinta ciyaarta laga gaarayo sababtoo ah Man United waa sida koob shaah ah, ciyaarta walwal maba ku heyso” ayuu soo qoray qof Facebook ku isticmaala Fidelis Chuks.

Taageere kale ayaa soo qoray: “Ciyaartoyda Man United waxey fadhiyaan guryahooda gaarka ah si ay u daawadaan filimka socda”

“Waxey ogyahiin ineysan kusoo adkaaneyin Old Trafford, xitaa hadii ay tababartaa, sidaas darteed waxey raadinayaan wax marmarsiyo ugu noqon kara guuldarada tan iyo markuu soo laabtay Martial”

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR