Ciidanka Booliska Somaliya qeybta Miino Baarista ayaa hawlgal Miino Baaris ah ka sameeyay inta u dhaxeysa Deegaanka Weydow iyo Isbitaalka Al-Biri ee Duleedka Magaalada Muqdisho.

Hawlgalkan Miino Baarista ah ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha Booliska Garas-baaley Laba Xidigle C/fataax Maxamed Xasan (Qoslaaye).

Talaabadan ayaa ka dambeysay kadib markii shacabka ay ku soo wargeliyeen ciidamada ammaanka God xalay saq dhexe laga qoday laamiga geeskiisa, kaasi oo looga shakiyay inay cadowga Miino ku aaseen.

Ciidanka Miina Baarista oo wata agabkooda Miina Baarista iyo Eeyaha uriya waxyaabaha Qarxa ayaa hareeraha laamiga ka baaray walxaha Qarxa, wuxuuna baaritaankan ku soo dhamaaday si nabadgelyo ah.

Booliska Somaliya ayaa inta ay hawlgalka wadeen waxa ay xireen wadada, iyada oo shacabka loo diiday inay halkaasi maraan, sababo ku aadan in laga baaqsado hadii ay dhibaato ka dhacdo goobta.

Taliyaha Booliska Garas-baaley C/fataax Maxamed Xasan (Qoslaaye) ayaa shacabka uga mahadceliyay sida ay ula shaqeynayaan Hay’adaha ammaanka, wuxuuna ka dalbaday inay kordhiyaan la shaqeynta ciidamada ammaanka.

Kooxda Al Shabaab ayaa inta badan ku aasa Miinooyin hareeraha wadooyinka dhaca Duleedka Magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay ku waxyeeleeyaan ciidanka dowladda.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR