Xulka Peru ayaa soo gabagabeeyay 17 kulan oo aan laga badinin Brazil ka dib markii ay 1-0 ku garaaceen xulka Brazil ciyaar saaxiibtinimo oo ka dhacday dalka Mareykanka.

Waa guushii ugu horeysay ee ay Peru ka gaarto Brazil tan iyo sannadii 1985, waxaana ay ugu yaraan heleen aargudasho yar madaama ay Brazil Copa America sannadkan ka qaaday Peru.

Xulka Peru ayaa qorshe daafac ku soo galay ciyaartaan iyagoo neefta ku dhejiyay Richarlison iyo Firmino oo hogaaminayay weerarka, halka Allan uu helay fursadii ugu fiicneyd ee Brazil bilowgii qeybta labaad.

Inkastoo Neymar iyo Viniciuis Jr ay ciyaarta soo galeen iyadoo 30 daqiiqo ay ka harsan tahay hanada waxa ay guusha raacday xulka Peru kuwaasoo shabaqa soo taabtay daqiiqadii 85aad.

SIDOO KALE AKHRISO:  Faahfaahin Cusub Oo Laga Helay Qandaraaska Lionel Messi Ee Barcelona: Janaayo Ayuu Koox Kale La Heshiin Karaa

Laad xor ah oo loo dhigay ayaa waxaa madax ku dhaliyay Abram iyadoo goolhaye Ederson uu awoodi waayay inuu kubada bixiyo ka hor inta aan la madaxeynin.

Waa guuldaradii seddexaad ee soo gaarta Brazil 44 kulan oo uu tababare u ahaa Tite. Waana guuldaradoodii ugu horeysay tan iyo Koobkii Adduunka ee 2018 oo ay wareega sideed guuldarro 2-1 kala kulmeen xulka Belgium.

Dhanka kale Xulka Argentina ayaa 4-0 ku xasuuqday dhigooda Mexico kulan saaxiibtinimo oo labada xul dhexmaray saaka aroortii, iyadoo weeraryahan Lautaro Martinez uu seddexleey dhaliyay.

SIDOO KALE AKHRISO:  Maxaa Kasoo Cusboonaaday Heshiiskii Alexis Sanchez Ee Inter Milan? Faah-Faahinta Xog Cusub Oo Kasoo Baxday Heshiis Ay Gaadheen Man United Iyo Inter.

Argentina waxaa ka maqnaa xiddigo dhowr ah sida Lionel Messi, Sergio Aguero iyo Angel di Maria, laakiin waxaa kabahooda buuxiyay Martinez kaasoo seddex gool ku dhaliyay 39kii daqiiqo ee ciyaarta ugu horeysay.

Goolka afaraad oo isna dhashay isla qeybtii hore ee ciyaarta ayaa ahaa rigoore uu saxiixay Leandro Daniel Paredes.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR