Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiye ku-xigenka 1-aad ee golaha aqalka sare Abshir Maxamed Axmed oo ay ku jiraan xildhibaanno labada aqal ee baarlamaanka 10-aad ayaa gaaray Magaalada Cadaado.

Guddoomiyaha iyo Wafdigiisa ayaa waxaa garoonka Cadaado ku soo dhoweeyay Xildhibaanno, Wasiiro iyo qeybaha kala duwan bulshada rayidka ee ku dhaqan Cadaado.

Mas’uuliyiintan ayaa ah kuwii laga soo doortay deegaannada Galmudug waxaana lagu wadaa in ay la kulmaan qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Magaaalada Cadaado.

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha aqalka sare waxaa ku wehliya safarkiisa xubno ay ka Mid yihiin Cabdiraxmaan Odowaa iyo Saabir Nuur Shuuriye oo labadaba ka mid ah golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ujeedada Safarka ee guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha aqalka sare Abshir bukhaari ayaa ah xarig ka jaridda Mashaariic horumarineed iyo ariimaha Maamulka Galmudug.

Goobjoog News

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR