Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa guushiisii 476-aad la gaadhay Barca isaga oo iska baraajeeyay rekoodhkaas oo uu horeba u haystay halyeeyga kooxda ee Xavi Hernandez.

Website-ka rasmiga ah ee Barcelona ayaa weydiiyay jamaahiirta inay dib u eegaan xogta cajiibka ah ee uu Messi soo gaadhay isaga oo guulahaas 476-ka kulan ah kasoo kala gaadhay kooxo 84 kooxood ah walow uu 85 kooxood guud ahaan wajahay.

Waxyaabaha uu amaanta ku mudan yahay Messi ayaa ah inuu kaliya hal koox ku guuldaraystay inuu guul ka helo dhammaan 85-ka kooxood ee uu kahor tagay balse uu guulo kasoo dhadhamiyay inta kale oo dhan.

Kooxda kaliya ee rekoodhka guuldarro la’aanta ah ka haysata kabtanka Barcelona ayaa ah UDA Gramenet oo haatan ka ciyaarta horyaalka Segunda Catalania Division.

Barcelona iyo UDA Gramenet ayaa isku wajahay tartanka Copa Del Rey xilli ciyaareedkii 2004-2005 markaas oo ay booqanayeen Gramanet oo wakhtigaas joogtay heerka Segunda Division B waxaana ay kusoo guuldaraysteen 1-0.

Haddiiba ay kooxdaas yari tahay mida aan wali arag guuldarro ay leedahay koox uu Messi ka tirsanyahay, Haddaba waa kooxdee kooxda kulamada ugu badan guuldarro ka qaadatay Messi iyo kooxdiisa?

Kooxda rekoodhka ugu xun ka haysata Messi ayaa ah kooxda ay horyaalka La Liga wada joogaan ee Sevilla oo uu guulo ka gaadhay 28 kulan.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR