Tababarihii hore ee kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa kasii hordhacay isku aadka wareega siddeed dhammaadka Champions League isaga oo dookhiisa ciyaaray sheegayna sida uu doonayo in la isku arko.

Saadaasha Jose ayay ku jirtaa kooxdiisii hore ee Manchester si lamid ah kooxdii uu tartanka lasoo qaaday ee FC Porto iyo waliba inta kale oo ah kooxo uu intooda ugu badan xifaaltan ba’an lasoo galay waayihiisa ciyaareed.

Kooxaha labada Manchester iyo waliba Liverpool iyo Tottenham ayaa ah afar kooxood oo ka socda England oo tartanka xaadir ku ah waxaana uu Jose sheegay inuu doonayo inay laba kamid ah kooxahaasi gaadhaan wareega afar dhammaadka.

Jose ayaa sheegay inuu doonayo inay kooxaha Premier League ay iyagu isla ciyaaraan isaga oo waliba xusay inuu arko kulanka Manchester Derby iyo midka Liverpool vs Tottenham.

Dhinaca kale Special One ayaa iska gaclooday kooxaha Ajax iyo FC Porto oo uu doonayo inay midkood afar dhammaadka gaadho balse waxa uu hadana diiday inay Juve iyo Barcelona isku arkaan wareega siddeeda isaga oo sheegay inuu iyaga isla doonayo Semi Final ama Final.

Mourinho ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Waxaan jeclaan lahaa kooxaha English-ka ah in midkoodba ka kale la ciyaaro aniga oo aan samaynayn wax doorbidis ah”

“Laakiin waxaan samayn lahaa laba kulan oo u dhaxeeya kooxaha English-ka ah taas oo la micno ah in laba kooxood ay joogi doonaan afar dhammaadka”

“Waxaan filayaa haddii isku aadku ina siiyo wax lamid ah Manchester City vs Manchester United ama Tottenham oo ka horjeeda Liverpool tusaale ahaan, Waxaan filayaa inay noqon lahaayen kulamo xaqiiqdii cajiib ah”

“Maan jeclaysteen Juventus oo wajahaysa Barcelona sababtoo ah waxaan filayaa inay noqon lahayd wax xaqiiqdii cajiib ah, Barcelona oo wajahaysa Juventus waxa ay macquul tahay Final ama Semi Final”

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR