Tababaraha ree France ee Arsene Wenger ayaa mudo 22 sano ah kusoo qaatay Gunners waxaana uu mudadaas ku dhawaaday inuu gacanta ku dhigo saxeexyada qaar kamida xiddigaha ugu wanaagsan dunida kubadda cagta.

Marka laga yimaado in Arsenal uu guulo badan lasoo gaadhay, Haddana Wenger ayaan marnaba ku guuleysan dhammaystirka saxeexyada ciyaartoy ay kamid yihiin Gianluigi Buffon, Cristiano Ronaldo iyo Zlatan Ibrahimovic.

Toddobaadkan gudihiisa ayay ahayd markii uu markale Wenger shaaca ka qaaday inuu seegay saxeexa xiddig weyn waana Lionel Messi oo haatan guulo aad u badan usoo hooyay Barcelona mudo uu ku sugnaa isla markaana abaalmarino badan oo shaqsi ah kusoo guuleystay.

SIDOO KALE AKHRISO:  Musiibada Dhawacyada Real Madrid Oo Halkeeda Ka Sii Socota Iyo Saxiix Cusub Oo Dhaawac Ku Soo Laabtay.

Wenger ayaa xusay in markii ay Barcelona kala soo wareegeen Cesc Fabregas ay sidoo kale wadahadalo kula jireen Messi balse uu ahaa mid lama taabtaan ah sidaasna ay ku waayeen.

Haddaba, Waxaanu halkan idiinku muujin doonaa shax bir ah oo laga sameeyay xiddigaha cajiibka ah ee uu Arsene seegay inuu saxeexooda usoo dhammeeyo Gunners.

Shaxdan waxa goolka ku jira Gianluigi Buffon, Mid kamida goolhayayasha kubadda cagta soo maray abid kuwooda ugu fiican, Halyeey ilaa maanta 40 sano jir ku ciyaaraya.

Saddexda daafac ee shaxdan ayaa kala ah Roberto Carlos oo Real Madrid iyo Brazil wakhtiyo dahabi ah kusoo qaatay, Gerard Pique oo lama taabtaan ilaa maanta ka ah Barca iyo waliba Vincent Kompany oo koobab tiro badan lasoo hantay Man City.

SIDOO KALE AKHRISO:  Waa Kuma Xiddiga Man United Ka Tirsan Ee “Like Gareeyay” Qoraal Lagu Sheegay Inuu Isagu Ka Fiican Yahay Jesse Lingard?

Saddex khad dhexe oo ay shaxdani yeelatay ayaa kala ah N’Golo Kante, Xabi Alonso iyo Angel Di Maria kuwaas oo khad dhexe oo cajiib ah samayn lahaa oo uu midkoodba midka kale dhammaystirayo kubad ahaan.

Garbaha weerarkan ayaa ah halka ay u dhantahay, Waa Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi, Labada xiddig ee ugu fiican jiilkan rekoodh kastana lugahooda kusoo bur-buriyay haddiiba aysan ahayn kuwa ugu fiican abid.

Labada weeraryahan ayaa ah Didier Drogba oo ah mid kamida xiddigaha abid ugu fiican taariikhda Chelsea iyo Zlatan Ibrahimovic oo ilaa maanta mashiin dhinaca goolasha ah loo aqoonsan yahay.

Shaxdan Oo SAWIR Ah.

p1dkbqum3d1rl47iro425gm1i59h.jpg

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR