Image result for Ancelotti Italy

(Roma) 14 Nof 2017 Tababarihii dhawaan laga cayriyay kooxda Bayern Munich ee Carlo Ancelotti ayaa hogaanka u haaya tababareyaasha lala xiriirinayo xulka talyaaniga.

Xulka talyaaniga ayaa xalay isaga haray u soo bixida koobka adduunka ee 2018 kadib markii 1-0 looga adkaaday labadii lug ee ay la ciyaareen Sweden.

Taageerayaasha xulka talyaaniga ayaa ra’yigooda ka dhiibtay tababaraha ku haboon laylinta xulka kadib dhacdadii xalay.

La Gazzetta dello Sport ayaa sameeyay ra’yi uruurin, Carlo Ancelotti ayaa helay 67.4% codadkii la dhiibtay.

Waxaana booska labaad soo galay tababaraha Chelsea ee Antonio Conte kaas oo helay 22.4% codadkii la dhiibtay.

Mancini iyo Allegri ayaa soo galay boosaska 3 iyo 4 maadama heshiis adag ay kula jiraan kooxahooda Zenit iyo Juventus.

Gool FM

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR