(Real Madrid) 08 Nof 2018. Dani Ceballos ayaa taageeray go’aankii shaqada looga ceeriyay tababare Julen Lopetegui, isla markaana si ku meel gaar ah loogu magacaabay booskiisa Santiago Solari.

Laacibka reer Spain ayaa kaga mahad celiyay tababare Julen Lopetegui sida uu u caawiyay bilihii ay wada shaqeeyeen iyo kalsoonidii uu ka helay.

Laakiin sidaasoo ay hahay hadana wuxuu soo dhaweeyay go’aanka ay kooxda shaqada kaga fasaxday kooxda Real Madrid macalinka reer Spain wuxuuna yiri:

“Lopetegui  wuxuu i siiyay kalsooni, wuxuu ii ogolaaday fursad aan ku ciyaari karo, xili aanan door fiican ku lahayn kooxda, laakiin sidaas oo ay tahay in badal lagu sameeyo macalinka waa go’aan dhamaanteen inoo fiican, sababtoo ah waxaan gaarnay 3 guul muhiim ah”.

“Ka dib kulankii Barcelona waxaan helnay dharbaaxo xoogan, sidaasi darteed waxaan dhihi karaa bedelka tababaraha waa arin aad u wanaagsan, haatan waan ku faraxsanahay la shaqeynta Santiago Solari”.

“Way fiicnaan lahayd in Santiago Solari uu nala sii joogo, balse go’aanka ugu dambeeya wuxuu qaas u yahay maamulka kooxda”.

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR