Real Madrid ayaa heysata laba goolhaye oo tayo sare leh, kuwaas oo wada doonaya inay dooqa koowaad ka helaan garoonka Bernabue.

Waxaa jirtay in xilli ciyaareedkii 2013/14 Los Blancos ay heysatay goolhayeyaasha kala ah Deigo Lopez iyo Ikar Casillas, kuwaas oo labaduba muhiim u ahaa shaxda koowaad ee kooxda.

Carlo Ancelotti ayaa isticmaalay qorshe guuleystay oo ahaa inuu goolhaye Casillas u isticmaalo tartamada UEFA Champions League-ga iyo Copa del Rey, halka Lopez uu ahaa shabaq ilaaliyaha kullamada La Liga.

Real Madrid ayaa xilli ciyaareedkaas hanatay tartanka Champions League iyo Copa del Rey, inkastoo La Liga ay shabta farood ku dhigtay kooxda Atletico Madrid.

Sidaas si la mid ah, 2014/15 waxaa habkaas isticmaalay Luis Enrique oo fasal ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee Barcelona lasoo wada saxiixday Claudio Bravo iyo Marc-Andre Ter Stegen.

Macallin Enrique ayaa kullamada La Liga ciyaarsiiyay goolhaye Bravo, halka Ter Stegen uu ciyaarayay kullamada Champions League iyo Copa del Rey.

Blaugrana ayaa xilli ciyaareedkaas ku guuleysatay saddex koob ama waxa loo yaqaano Treble.

Julen Lopetegui ayaa hadda ku fikiraya inuu qaato qorshahaas, maadaama kullankii AS Roma uu kusoo billawday goolhaye Keylor Navas, halka Thibaut Courtois uu kusoo billawday kullankii Athletico Bilbao ee toddobaadkii hore.

Ifafaalo fiican ayay u muuqataa in habkaas uu isticmaalo macallinka Real Madrid, maadaama labada goolhaye ay helayaan fursado ay ku ciyaaraan, sidoo kalena mid walba uu masuuliyaddiisa xoogga saarayo.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR