Home » Archives by category » CAYAARAHA

Wakiilka difaaca Real Madrid ee Danilo oo ku sugan dalka Talyaaniga, xilli maanta ay kooxda Juventus si rasmi ah…

Wararka laga helayo dalka Talyaaniga ayaa waxa ay sheegayaan in wakiilka difaaca midig ee kooxda Real Madrid Danilo uu ku sugan yahay dalka Talyaaniga, iyadoo la warinayo in maanta qandaraaska Dani Alves iyo kooxda Juventus si rasmi ah loo burburin doono. Kooxda Juventus ayaa maanta lagu wadaa inay si rasmi ah u fasaxdo Dani Alves, […]

RASMI: Kooxda Barcelona oo heshiis cusub ka saxiixatay mid ka mid ah da’yarteeda

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa xaqiijisay inay heshiis cusub ka saxiixatay da’yarkeeda 19-sano ah ee Carles Alena. Kabtanka xulka qaranka Spain ee da’doodu ka hooseyso 19-sano jirada ayaa ka mid ah xiddigaha ugu hibada badan kooxda Barcelona, waxaana ay hadda ka saxiixatay heshiis cusub. Laacibkaan qadka dhexe wax ka weerara ayaa waxa uu xagaagan xiiso […]

Kooxda Barcelona oo ay muhiim u tahay maalinta 4 bisha July si ay ula saxiixdaan Marco Verratti

Waxa ay kooxda Barcelona u baahan tahay inuu go’aan adag qaato Marco Verratti si ay ula saxiixdaan isaga. Paris Saint-Germain ayaan dooneynin inay wadahadallo ka gasho iibinta laacibkeedan qadka dhexe ee Marco Verratti, iyadoo kooxda Barcelona ay doonayso inay gacanta ku dhigto saxiixiisa, laakiin xusuusnow wali dalab rasmi ah kama aysan gudbin. Barcelona waxa ay […]

Arsenal Oo Dalab Rasmi Ah Ka Gudbisay Xidiga Kooxda AS Monaco Ee Thomas Lemar.

Kooxda Arsenal ayaa sarre u qaaday hamigii ay ka lahayd in ay AS Monaco kala soo wareegto Thomas Lemar waxayan Gunners 21 sano jirkan ka gudbisay dalab rasmi ah iyada oo doonaysa in uu noqdo saxiixii ugu muhiimsanaa ee ay xagagan lacag ka bixiso.

Thomas Lemar ayaa xili ciyaareed cajiib ah ku soo qaatay AS Moanco isaga oo ka mid ahaa xidighii ugu muhiimsanaa ee koobka horyaalka Ligue 1 ka soo caawiyay Monaco kadib markii ay muddo 17 sano ah ka maqnayd. Lemar ayaa sidoo kale lala xidhiidhinayay koox Premier Leaque-ga ah.

Wargayska caanka ah ee France ka soo baxa ee L’Equipe ayaa shaaciyay in Arsenal ay dalab 30 milyan oo euros ah ay u dirtay kooxda Monaco kaas oo ay ku doonayso saxiixa  Thomas Lemar. Waxa uu warku sheegayaa in dalabka Arsenal uu aad uga sareeyo dalab ay kooxda Atletico Madrid ku doonaysay isla xidigan Thomas Lemar.

Thomas Lemar oo ka mid ahaa xidigihii da’yarka ahaa ee AS Monaco wacdaraha ku soo dhigay ayaa xili ciyaareedkii dhamaaday kooxdiisa u soo dhaliyay 14 gool halka uu  caawintooda sameeyay 14 gool oo kale taas oo la micno ah inuu guud ahaan ku soo lug lahaa 28 gool oo ay Monaco xili ciyaareedkii dhamaaday ka soo dhalisay tartamada oo dhan.

Iyada oo mustaqbalka Alexis Sanchez iyo Mesut Ozil uu wali shaki wayni ku jiro ayuu Arsene Wenger doonayaa in Thomas Lemar uu ka dhigto xidigaha mustaqbal wayn ku yeelan kara Emirates Stadium balse ilaa hadda AS Monaco ayaan jawaab ka soo bixin dalabka 30 milyan ee Euros ah ee ay Gunners ku doonayso adeega Lemar.

Thomas Lemar ayaa horeba loola xidhiidhinayay kooxda Ateltico Madrid oo dalab ka soo gudbisay si la mid ah Liveprool oo la sheegay in ay xidigan xiisaynayso. Arsenal ayaa sidoo kale ka mid ah kooxaha doonaya da’yarka kale ee AS Monaco iyo qaranka France ee Mbappe.

FIKIRKAAGA KA DHIIBO LANA SHARE-GAREE ASXAABTA KALE

Comments

comments

Let’s block ads! (Why?)

Wakiilka Thibaut Courtois Ee Christophe Henrotay Oo Walwal Cusub Ku Abuuray Jamaahiirta & Kooxda Chelsea Isaga Oo Sheegay In Uu Si Joogto Ah Ula Hadlo Real Madrid.

Wakiilka goolhaye Thiabaut Courtios ee Christophe Henrotay ayaa walwal cusub ku abuuray jamaahiirta kooxda Chelsea kadib markii uu shaaca ka qaaday in uu xidhiidh joogto ah la leeyahay masuuliyiinta Real Madrid isla markaana uu Courtios markasta la socod siiyo halka ay xaaladu marayso. Christophe Henrotay ayaa u muuqda mid dabka kusii shiday wararkii Courtios la xidhiidhinayay Real Madrid.

Wakiilka Courtios ee Christophe Henrotay ayaa hadalkiisa loo fahmi karaa mid uu ku xanuunijinayo masuuliyiinta kooxda Chelsea oo joojisay wada xaajoodyadii ay kula jirtay goolhayaha ree Belgium ee Courtios kaas oo iska diiday dalabkii ugu horeeyay ee ay Blues ku doonaysay inay heshiis cusub kaga saxiixato.

Thibaut Courtois ayaa si cad u sheegay in uu qalinka ku duugi doono haddii ay kooxdiisa Chelsea u soo bandhigto waxa uu ku tilmaamay heshiis fiican isaga oo kadib iska diiday dalabkii ugu horeeyay ee ay masuuliyiinta Chelsea ku doonayeen in uu heshiiska cusub ku saxiixo.

Wakiilka Courtios ee Christophe Henrotay ayaa yidhi: ” Dabcan waxa uu Thibaout xiisaynayaa kooxaha waa wayn oo ay ku jirto kooxda ku soo guulaystay Champions Leaque-ga. Isagu waa qof kaa caawinaya in aad kulamo iyo koobab ku guulaysato”.

Christophe Henrotay oo la hadlayay warbaahinta Belgium ayaa hadalkiisa sii raaciyay: “Anigu waxaan si joogto ah ula hadlaa masuuliyiinta Real Madrid waxaana soo baxday arinta Thibaut Courtios. Shaqadaydu waa in aan isaga la socod siiyo xaalada”.

Hadalkan ayaa shaki wayn galinaya mustaqbalkii Thibaut Courtois ee u muuqday in uu saldhiganayo Stamford Bridge. Coutios ayaa Chelsea £100,000 euros todobaadkii uga qaata mushaar ahaan wuxuuna dalbaday in mushaarkiisa loo laba jibaaro si uu kooxda u sii joogi karo taas oo keentay in ay joogsadaan wada hadaladii labada dhinac u socday.

Iyada oo Real  Madrid ka quusatay saxiixa David De Gea ayuu hadalka wakiilka Thibaut Courtois ee  Christophe Henrotay uu muujinayaa in Real Madrid ay dareenkeeda ku soo leexinayso sidii ay Coutios ula wareegi lahayd isaga oo waliba markii horeba qayb ka ahaa liiska bartilmaameedka uu Perez doonayay.

FIKIRKAAGA KA DHIIBO LANA SHARE-GAREE ASXAABTA KALE

Comments

comments

Let’s block ads! (Why?)

Anthony Martial Oo Beeniyay In Uu Mourinho La Yeeshay Wada Hadalo Uu Ku Doonayo In Uu Old Traffrod Kaga Baxo.

Gool dhaliyaha xulka qaranka France iyo kooxda Manchester United ee Anthony Martial ayaa beeniyay warar ay saxaafada Inigiriisku qoray oo ay ku sheegeen in uu wada hadalo la yeeshay macalinka kooxdiisa ee Jose Mourinho isla markaana uu u sheegay in uu doonayo sidii uu Old Traffrod uga bixi lahaa.

Laakiin Anthony Martial ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa twitterka waxa uu ku beeiyay wararkii xanta suuqa kala iibisga ahaa ee sheegayay in uu doonayo ka bixitaanka Manchester United isaga oo cadeeyay in ay yihiin warar qalad ah.

Anthony Martial ayaan waqti fiican ku soo qaadan Manchester United xili ciyaareedkii ugu horeeyay ee ay Mourinho wada shaqeeyeen inkasta oo uu wacdaro soo bandhigay xili ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee uu Louis Van Gaal kula soo shaqeeyay Old Traffrod.

Waxaa jiray warar sheegayay in Arsenal ay doonayso sidii ay dalab 40 milyan oo gini ah ugula soo wareegi lahayd Anthony Martial iyada oo waliba la sheegay in xidiga ree France uu diyaar u yahay in uu iskaga baxo kooxdiisa Manchester United.

Anthony Martial ayaa qoraalka kooban ee uu soo dhigay bartiisa twitterka ku soo qoray luuqada dalkiisa France taas oo la micno ah: ” Wararka xanta ahi waa been”. Wuxuuna qoraalkan meesha kaga saaray wararkii laysla dhex marayay maalmihii ugu danbeeyay ee muujinayay in Martial uu ka baxayo Old Traffrod.

Les rumeurs sont fausses 🔴

— Anthony Martial (@AnthonyMartial) June 28, 2017

21 jirkan ree France ee Anthony Martial ayaa u muuqda in uu doonayo sidii uu Manchester United ugu sii nagaan lahaa isaga oo qoraalkan kooban ku burburiyay rajada kooxo doonayay in ay xidigan la soo wareegaan iyada oo waliba wargaysyada UK ay qoreen in Martial uu kooxdiisa u gudbiyay warqada uu kaga dalbaday in uu Old Traffrod ka baxayo.

FIKIRKAAGA KA DHIIBO LANA SHARE-GAREE ASXAABTA KALE

Comments

comments

Let’s block ads! (Why?)

Cristiano Ronaldo Vs Kylian Mbappe- Da’yarka Kooxaha Yurub Ugu Waa Wayni U Waalnayaan Oo Haddaba Ka Sarre Maray Cristianao Ronaldo.

Kooxaha horyaalada Yurub ugu waa wayn ayaa si aan hore loo arkin ugu dagaalamaya saxiixa da’yarta kooxda AS Moanaco iyo xulka qaranka France ee Kylian Mbappe waxaana kooxaha haddaba dalabyada qaaliga ah ka gudbiyay ka mid ah Real Madrid, Manchester City, Arsenal iyo Liverpool waxayna Monaco u direen dalabyo ugu yaraan ku qiimaysan 100 milyan oo Euros.

Real Madrid ayaa ka mid ah kooxaha ugu horeeya ee sida xoogan loola xidhiidhinayo saxiixa  Kylian Mbappe iyada oo Florentino Perez uu isla bishan gudaheeda ka hadlay laba jeer wuxuuna si cad u sheegay in Zidane uu xidhiidh dhaw oo sanado badan ah uu la soo lahaa 18 sano jirkan.

Laakiin xog uu soo bandhigay wargayska Marca ee Madrid ka soo baxaa ayaa muujinaysa in da’yarka  Kylian Mbappe uu haddaba ka fiican yahay Cristiano Ronaldo markii uu xidiga ree Portugal ahaa isla da’da xidigan ree Franace wuxuuna  Kylian Mbappe ku socdaa heer layaableh oo uu ku noqon karo xidigaha aduunka ugu fiican.

Kylian Mbappe ayay da’diisu tahay 18 sanno iyo dhawr bilood wuxuuna istaatistiko ahaan ka fiican yahay Cristiano Ronaldo markii uu isla da’da ahaan ee bilawgii waayihiisa ciyaareed.Mbappe ayaa garaacaya wax walba uu Cristiano Ronaldo soo sameeyay markii uu jiray da’daan.

Xiddiga reer France waxa uu kulankiisii ugu horeysay ee rasmi ah ciyaaray isagoo jiray  16 sanno iyo 11 bilood oo kaliya  halka xiddiga ree Portugal ee Ronaldo uu ciyaaray kulankii ugu horeysay ee rasmi ah isagoo 17 sanno iyo lix bilood jiray markaas oo uu ciyaaray  kulan Champions League-ga ah.

Kylian Mbappe ayaa  goolkiisii ugu horeysay ee rasmi ah ka dhaliyay kooxda Troyes isagoo jiray 17 sanno iyo labo bilood halka Cristiano Ronaldo uu goolkiisii ugu horeyay ee rasmi ah ka dhaliyay kooxda Moreirense isagoo markaas ahaa  17 sanno iyo sideed bilood waana rekoodh kale oo uu  Kylian Mbappe haddaba ku garaacay CR7.

Xiddiga reer Portugal ma uusan dhalinin goolkiisii ugu horeysay ee Champions League ilaa iyo uu ka gaaray da’da 20, halka Mbappe uu durbaba leeyahay lix gool isagoo goolkiisii ugu horeysay ku dhaliyay da’da 18 sanno iyo labo bilood markii uu Manchester City shabaqa kaga soo taabtay garoonka Etihad Stadium.

Kylian Mbappe waxa uu ciyaaray 60 kulan oo rasmi ah oo labo ka mid ah uu u ka soo muuqda  xulka qaranka Farance, halka Cristiano Ronaldo uu soo ciyaaray 31 kulan markii uu jiray da’da uu hadda yahay  Kylian Mbappe.

Kylian Mbappe waxa uu sidoo kale seddex bilood ka yaraa  Cristiano Ronaldo markii uu safanayay kulankiisii ugu horeysay ee xulka qarankiisa France oo lagu abaal mariyay bandhigii layaabka lahaa ee uu xili ciyaareedkii dhamaaday ka soo sameeyay kooxda AS Monaco.

Si kastaba ha ahaatee, Real Madrid ayaa  Kylian Mbappe ka dhigan karta badalka tooska ah ee Cristiano Ronaldo haddii uu xidiga ree Portugal ku adkaysto in uu iskaga baxayo dalka Spain oo lagu soo oogay danbi cashuur lunsi ah isaga oo maxkamada Madrid ka soo muuqan doona July 31.

FIKIRKAAGA KA DHIIBO LANA SHARE-GAREE ASXAABTA KALE

Comments

comments

Let’s block ads! (Why?)

Miyuu Difaaca Liverpool Bartilmaameedka U Ah Ee Virgil van Dijk Uu U Qalmaa Lacag 60 Milyan Gini Ah? Xidgiii Hore Ee Reds Ee Steve Nicol Ayaa Ka Jawaabaya.

Liverpool ayaan wali ka quusan soo xerogalinta difaaca kooxda Southampton ee Virgil van Dijk laakiin kooxda Saints ayaa xidigan ku qiimaynaysa lacag u dhexaysa 60 milyan gini ilaa 70 milyan oo gini taas oo kooxda Jurgen Klopp ku qasbi karta in ay iskaga hadhaan xiisihii ay u hayeen difaaca ree Holland.

Xidigii hore ee kooxda Liverpool ee Steve Nicol ayaa ka hadlay haddii Van Dijk uu u qalmo lacag gaadhaysa 60 milyan oo gini wuxuuna kooxdiisii hore ee Reds u kula taliyay in lacagta sidan u badan aanu u qalmin Virgil Van Dijk isaga oo waliba shaki galiyay haddii xidiga ree Holland uu awood u leeyahay in uu wax qabad fiican ka samayn karo koox sida Liverpool u wayn,

Steve Nicol ayaa Liverpool kula soo guulaystay shan koob oo horyaalka Premier Leaque-ga ah laakiin waxa uu ku dooday haddii uu qiimaha Van Dijk noqdo mid macquul ah oo aan ahayn 60 milyan in ay Liverpool la soo saxiixan karto.

Steve Nicol ayaa isaga oo u waramayay ESPN yidhi: “Haddii uu qiimihu yahay mid sax ah haa. Haddii uu qiimuhu yahay mid sax ah kaas oo aan rajaynayo in aanu noqon 60 milyan oo gini. Liverpool waxay u baahan tahay difaac dhexe, waxaan qiyaasayaa in mararka qaar ay waajib kugu tahay in aad samayso waxa aad doonayso in aad samayso”.

Steve Nicol oo ka sii hadla Van Dijk ayaa yidhi: “Haddii ay qiimayntu tahay mid sax ah ama ayna ahayn, Liverpool waxay u baahan tahay difaac dhexe. Isagu (Van Dijk) waa ciyaartoy fiican, waxay su’aashu tahay miyuu leeyahay awoodii uu  Liverpool gaadhsiin lahaa? Waxa uu ka sameeyay Southampoton, miyuu awood u leeyahay in uu ka sameeyo mid ka mid ah kooxaha waa wayn? Anigu ma ogi”.

Chelsea ayaa kula tartamaysa Liverpool saxiixa  Virgil van Dijk inkasta oo xidigani uu doonayo in uu Anfield kula shaqeeyo Jurgen Klopp balse Southampton ayaan doonayn in xili suuqan uu ka baxo  Virgil van Dijk waxayna si wayn sarre ugu qaaday qiimaha lagu iibsan karo.

FIKIRKAAGA KA DHIIBO LANA SHARE-GAREE ASXAABTA KALE

Comments

comments

Let’s block ads! (Why?)

DEG-DEG: Xidiga Borussia Dortmund Ee Pierre-Emerick Aubameyang Oo Qarka U Saaran In Uu Heshiis 71 Milyan Gini Ah Ugu Biiro Koox Cusub.

Xidiga xulka qaranka Gabon iyo kooxda Borussia Dortmund ee Pierre-Emerick Aubameyang oo ay doonayeen dhamaan kooxaha Premier Leaque-ga ugu waa wayn si la mid ah PSG ayaa qarka u saaran in uu dhamaystiro heshiis 71 milyan oo gini ku kacaya oo uu ugu biirayo kooxda Chinese Super League ee Tianjin Quanjian.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa doortay in uu China u dhaqaaqo isla markaana uu usbuucii mushaar ahaan u qaadan doono nusmilyan gini oo ah £500,000 kun oo gini taas oo ka leexisay kooxihii Premier Leaque-ga ee uu doonaayy in uu xili ciyaareedka cusub ka soo muuqdo.

Wargayska Jarmalka ka soo baxa ee Bild ayaa shaaca ka qaaday in Pierre-Emerick Aubameyang uu ku sii jeedo barriga fog isla markaana aanu tababaraha cusub ee Peter Bosz fursad u heli doonin in uu Aubameyang uu kula shaqeeyo Signal Iduna Park.

Pierre-Emerick Aubameyang ayay doonayeen kooxaha Liverpool, Manchester City iyo Arsenal waxaana sidoo kale isha ku hayay kooxaha Yurub ugu waa wayn oo ay PSG ku jirto laakiin lacagta waalida ah ee kooxaha China ayaa sabab u noqotay in 28 jirkan ree Gabon uu xamaasadii kubbada cagta Yurub uu dhaafsaday.

Inkasta oo uu xidhiidhka kubbada cagta China go’aan ku gaadhay in uu kooxaha dalkiisa ku soo rogo cashuur boqoliiba boqol ah ee saxiixyada ay dibada ka keensadaan ayay haddana kooxda Tianjin Quanjian 71 milyan oo gini kula wareegaysaa Pierre-Emerick Aubameyang.

Waxayna kooxda ree China ee Tianjin Quanjian u aragtaa in Aubameyang uu yahay ciyaartoygii kooxdeeda heer kale u qaadi lahaa. Dortmund ayaa booska uu Aubameyang banaynayo ku biixin karta saxiixa cusub ee  Max Philipp iyo xidigaha kooxdeeda ka sii tirsanaa ee , Marco Reus iyo Andre Schurrle.

Wixii warar ah ee ka soo kordha heshiiska qaaliga ah ee uu  Pierre-Emerick Aubameyang ugu biiro kooxda ree China waxaad insha Allah kula socon doontaan wararkeena danbe.

FIKIRKAAGA KA DHIIBO LANA SHARE-GAREE ASXAABTA KALE

Comments

comments

Let’s block ads! (Why?)

Madax Wayne Josep Maria Bartomeu Oo Balan Qaad Kaga Farxiyay Jamaahiirta Kooxdiisa Barcelona Ee Dhinaca Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda.

Madax waynaha kooxda Barcelona ee Josep Maria Bartomeu oo waraysi siiyay Channelka  BeIN SPORTS ayaa jamaahiirta kooxdiisa kaga farxiyay wax ay suuqa kala iibsiga ka samayn doonaan balse waxa uu xusay in ay samir muujiyaan ka hor inta ay soo xero galinayaan saxiixyada ay doonayaan in ay kooxda ku soo xoojiyaan xili ciyaareedka cusub.

Josep Maria Bartomeu ayaa sheegay in xili ciyaareedka cusub ay kooxdiisa Barcelona u tartami doonto koob kasta oo ay qayb ka tahay wuxuuna sidoo kale amaanay macalinka ay dhawaan Camp Nou u doorteen ee Valverde. Josep Maria Bartomeu  ayaa wax laga waydiiyay xaalada Marco Verratti balse waxa uu ku adkaystay in xidiga ree Talyaani uu yahay ciyaartoy PSG oo aanu waqti xaadirkan ka hadli karin.

Josep Maria Bartomeu ayaa yidhi: “Dhinaca saxiixyada jamaahiirta Barcelona way deganaan karaan sababtoo ah xili ciyaareedka soo socda waxaanu haysan doonaa koox xaqiiqdii tartamaysa taas oo u dagaalami doonta dhamaan koobabka la heli karo oo ay ka bilaabi doonto maalinta ugu horaysa”.

Josep Maria Bartomeu ayaa farxad ka muujiyay shaqada uu hayo agaasimaha ciyaaraha kooxdisia Robert Fernandez kaas oo uu sheegay in uu shaqadiisa ku kalsoon yahay wuxuuna sidoo kale ka hadlay Ernesto Valderde iyo Urbano Ortega.

Josep Maria Bartomeu ayaa yidhi: “Anigu waxaan si wayn u aaminsanahay Robert Fernandez, Ernesto Valderde, Urbano Ortega iyo qof kasta oo kooxda go’aaminaya. Wax sahlan ma aha sababtoo ah waxaanu haysanaa koox xaqiiqdii fiican laakiin waa in aanu boosishano gaar ah buuxino taasina waa waxa aanu ka shaqaynayno”.

Markii Josep Maria Bartomeu  wax laga waydiiyay Marco Verratti ayuu ku jawaabay: “Isagu waa ciyaartoy PSG ah anigu waxaan aaminsanahay shaqada Robert, laakiin maya magacyada…… xataa anigu ma doonayo in aan ogaado iyaga , waxay ogyihiin waxa aanu u baahanahay xili ciyaareedka soo socda wayna ka shaqaynayaan’.

Josep Maria Bartomeu oo ka hadlaya tababare Valverde ayaa yidhi: “isagu waa tababare maskax badan kaas oo aaminsan falsafada Barcelona wuxuuna haddaba bilaabay in uu ka shaqeeyo, laakiin xaqiiqdii waxaanu bilaaban doonaa July 10”.

FIKIRKAAGA KA DHIIBO LANA SHARE-GAREE ASXAABTA KALE

Comments

comments

Let’s block ads! (Why?)

Page 1 of 36123Next ›Last »