Home » Archives by category » WARARKA SOOMAALIYA

Daawo 15-Xildhibaan Oo Mooshin Xil Ka Qaadis Ah Ka Dhana Maayorka Gabiley Gudbiyay.

Gabiley-(BON)-Daawo 15Xildhibaan Oo Mooshin Xil Ka Qaadis Ah Ka Dhana Maayorka Gabiley Oo U Gudbiyay Hay’adaha U Qaabilsan. Xafiiska Wararka BooramaOnline Gabiley-Somaliland

Daawo Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Ka Jawaabay Cida Uu U Qaadanayo Madaxweyne Xigeenka Xisbiga UCID.

Boorama-(BON)-Daawo Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Ka Jawaabay Cida Uu U Qaadanayo Madaxweyne Xigeenka Xisbiga UCID.

Xafiiska Wararka BooramaOnline
IBraahim Suxufi
Boorama-Somaliland

Daawo Xukuumada Kulmiye Oo Sheegtay Inay Khilaafkii Golaha Degaanka Saylac U Gudbinayaan Maxkamada Dastuuriga Ah.

Hargeysa-(BON)-Daawo Xukuumada Kulmiye Oo Sheegtay Inay Khilaafkii Golaha Degaanka Saylac U Gudbinayaan Maxkamada Dastuuriga Ah.

Xafiiska Wararka BooramaOnline
Hargeysa-Somaliland

Daawo Xukuumada Soomaaliya Oo Ka Hadashay Halista Bariiska Caaga Ah Ee Soo Galay Dunida.

Muqdisho-(BON)-Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka digtay raashinka aan la koontoroolin tayadiisa iyo la socodka waxyaabaha dalka soo gelaayo, iyadoo si gaar ah farta ugu fiiqday barils caag ah oo maalmahaan baraha bulshada lagu soo bandhigayay oo soo galay suuqyada caalamka qaarkood. Wasiirka beeraha dowladda federaalka Saciid Xuseen Ciid ayaa sheegay in ay la socdaan bariiska […]

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Shir Gudoon Ka Ahaa Kullan Muhiim Ah Oo Lagaga Hadlayay Amniga Baddaha.

Muqdisho-(BON)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa shir guddoomiyay kulanka guddiga amniga Badaha, kaasoo looga hadlayay arrimo dhowr ah oo la xiriira badda Soomaaliya. Guddigan ayaa waxaa loo sameeyey in xiriir joogto ah ay la yeeshaan hay’adaha kala duwan ee dawladda ee ka shaqeeya arrimaha badaha. Kulanka ka soo qeyb galay Wasaaradaha Arrimaha Dibadda, Amniga, […]

DHAGEYSO: Guddoomiyaha degmada Xudur oo xaqiijiyay in Al-Shabaab ay weerar ku yihiin Mukhtaar Roobow

BAYDHABO (RBC Radio) Guddoomiyaha degmada Xudur Maxamed Macallin ayaa xaqiijiyay in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay bilaabeen baadi goob ugaarsi ah oo sy ku hayaan Mukhtaar Roobow (Abu Mansuur) oo dhowaan Mareykanku ka saaray liiska kooxaha argagixisada ee Soomaaliya. Mukhtaar Roobow oo ay madaxiisa horey u saarneyd illaa $5 milyan ayaa laga qaaday, sida ay sheegtay dawlada […]

XOG + SAWIRO: Kulan looga hadlay amniga badaha Soomaaliya oo ka dhacay Muqdisho iyo talooyin laga soo jeediyay

MUQDISHO (RBC Radio) Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa shir guddoomiyay kulanka guddiga amniga Badaha, kaasoo looga hadlayay arrimo dhowr ah oo la xiriira badda Soomaaliya. Guddigan ayaa waxaa loo sameeyey in xiriir joogto ah ay la yeeshaan hay’adaha kala duwan ee dawladda ee ka shaqeeya arrimaha badaha. Kulanka ka soo qeyb galay Wasaaradaha […]

Isbitaallada Guri-ceel Oo La Jiifiyay Dad Uu Soo Ritay Shuban Biyood

Dadka uu soo ridanayo cudurka shuban biyoodka ayaa maalmihii ugu dambeeyay soo badanayay , waxaa la jiifiyay Isbitaalka Istarliin ee magaalada Guri ceel, dadkaan ayaa waxaa laga kala keenay degaanno hoos yimaada degmooyinka Guriceel iyo Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Bukaanadan  ayaa waxay isugu  jiraan caruur,  haween iyo dad da’ ah kuwaas oo mudooyinkii ugu dambeeyay uu soo ridanayay cudurka shubana biyoodka waxaana hadda lagu dabiibayaa xaaladdooda caafimaad Isbitaalka Istarliin oo ah Isbitaalka ugu weyn magaalada Guri ceel  ee gobolka Galgaduud.

Maamulka Isbitaalka Istarliin ayaa  waxay sheegeen in hadda ay latacaalayaan xaaladdooda caafimaad dad kor u dhaafaya 30 qof.

Agaasimaha Isbitaalka Istarliin Dr Cali Cumar ayaa Goobjoog News uga warbixiyay xaaladda dadka uu soo ritay cudurkaan.

“ Deegaanno fara badan ayay nooga yimaadaan dadkaan uu soo ritay cudurka shuban biyoodka waxaana ka mida deegaannadaas Ceel buur, Nuxaas Xeraalle, Balambal markii hore dadka uu soo ridanayo cudurkaan way isla ekaan jireen balse hadda caruurta ayaa u badan, mana jirto cid u dhimatay “.

Dhanka kale maamulka deegaanka Docoleey ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay in ay sii kordheyso tirda dadka uu soo ridanayo cudurka shauban biyoodka oo ka dilaacay deegaankaas.

Mahad Axmed Faarax xogheyaha maamulka deegaanka Docoleey oo la hadlay Goobjoog News ayaa waxa uu sheegay in dadka xaaladdooda caafimaad wax looga qaban waayo Docoleey ay u qaadi doonaan magaalada Cadaado si ay u helaan adeegyo caafimaad.

“ Deegaanka Docoleeyn waa deegaan aad u ballaaran, dadka uu soo ridanayo cudurka shuban biyoodka waxaa lagu xiraa faleebooyin laga keenay dhanka magaalada Cadaado, dadka reysan waayo waxaan u qaadnaa magaalada Cadaado “.

Let’s block ads! (Why?)

Puntland oo ka hadashay markab la sheegay in lagu qarxiyey xeebta Caluula

BOOSAASO (RBC Radio) Guddoomiyaha Gardafuu ee Puntland Maxamed Axmed Caynab ayaa faahfaahin ka bixiyey qarax la shegay in habeenimadii Isniinta uu ka dhacay xeebta degmada Caluul meel u dhow, halkaasoo la sheegay in qarax lagula beegsaday markab loo maleynayo inuu yahay mid ajnabi leeyahay. Guddoomiye Caynab iyo saraakiil kale oo ka tirsan maamulka Gardafuu ayaa […]

Sanduuqa Lacagta Adduunka Oo Taageeray In Soomaaliya Lacag Sameysato

Madaxa Sanduuqa Lacagta Adduunka Samba Thiam ayaa sheegay in lacagtan cusub ay suuqa soo gali doonto Sanadkan 2017 inta uusan dhamaan ,waxaana meesha ka bixi doonta lacagta duugta ah ama been abuurka ah ee hadda suuqyada Soomaaliya ku jirta .

Waxa uu intaa ku daray in 89% lacagta hadda Soomaaliya laga isticmaalo ay been abuur tahay tirada soo hartay ee ah 2% ay tahay lacagtii Soomaalia loo daabacay intii u dhexeeysay 1990 illaa 1991dii.

Dalka ayaa Fowdo galay ka dib markii la riday xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre uu hogaaminayay 1991kii, waxaana bur-bur baahsan lagula dhaqaaqay hay’adihii Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo kuwii Bulsho .

Taasina waxa ay keentay in uu hoos u dhaco dakhligii qofka , sidaasina ay Shaqo la’aanta iyo faqriga uu ku faafay  ilaa Soomaaliya  lagu tilmaamay waddanka  ugu Faqrisan Caalamka .

Madaxa Sanduuqa lacagta aduunka Samba Thiam Waxaa uu intaas ku daray in Sanduuqa lacagta,  keliya uusan awoodin  maalgelinta qorshahan oo dhameystiran , loona baahan yahay in ay dowladaha deeqaha  bixiya ay ka qeyb qaataan taas oo uu sheegay in ay meel wanaagsan mareeyso .

Soomaaliya  ayaa looga baahan yahay in ay iska bixiso deynta lagu leeyahay oo gaareysa 5.3 Bilyan oo Dollar si ay u hesho amaah cusub ama maalgelin caalami ah .

Deynta Soomaliya waxaa ku leh Bangiga  adduunka, Sanduuqa Lacagta adduunka iyo kan kobcinta Afrika.

In laga cafiyo Soomaliya deynta lagu leeyahay waxa ay ku xiran tahay sida ay ula dagaalanto Musuqa ka jira dalka si ay u hesho maalgalin iyo dib u dhis wanaagsan .

Let’s block ads! (Why?)

Page 1 of 63123Next ›Last »