Advertisements

Kooxaha horyaalada Yurub ayaa haddaba si buuxda u bilaabay halgalkooda suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee dhamaadka xili ciyaareedkan furmi doona waxaana jira ciyaartoy haddaba lagu tartamayo.

Advertisements

Kooxda Chelsea ayaa jamaahiirta kooxdeeda kaga yaabsatay sida lama filaanka ah ee ay hore ugu dhamaystireen heshiiska xidigii kooxda Ajax ee Hakim Ziyech kaas oo aanu warkii xalay idiinku soo gudbinay in uu Blues ku soo biirayo suuqa xagaag.

Chelsea iyo Ajax ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in ay heshiis ku gaadheen in Hakim Ziyech uu suuqa xagaaga ee dhamaadka xili ciyaareedkan ku soo biiri doono Stamford Bridge waxayna arintani muujinaysaa in kooxaha waa wayni ay haddaba sii bilaabeen hawlgalkooda suuqa kala iibsiga.

Madaama xagaagan la ciyaari doono koobka Euro 2020, waxay kooxaha doonayaan inay haatanba heshiis hordhac ah la sii gaaraan xiddigaha ay doonayaan.

Shabakada Laacib ayaa idiin soo uruurisay wararkii ugu waa weynaa suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee ay maanta oo Khamiis ah qoreen wargeysysyada Ingariiska.

Liverpool ayaa dooneysa inay la saxiixato Jadon Sancho xagaagan laakiin Borussia Dortmund ayaa duldhigtay 19 jirkaan 100 milyan euro, iyadoo Manchester City, Man United, Chelsea, Real Madrid iyo Barcelona ay sidoo kale xiiseynayaan. (Daily Mail)

Dortmund ayaa sidoo kale u ogolaan doonta Sancho inuu baxo xgaaga iyagoo durbaba raadinaya bedelkiisa. (Telegraph)

Manchester United ayaase ah kooxda cusub ee ugu cadcad saxiixa Sancho madaama Chelsea ay dhameystirtay saxiixa kubadsameeyaha Ajax ee Hakim Ziyech oo 26 sanno jir ah. (London Evening Standard)

Kooxaha Chelsea iyo Manchester United ayaa isku diyaarinaya inay 35 milyan ginni ka bixiyaan xiddiga khadka dhexe ee Birmingham City 16 jirka Jude Bellingham iyadoo ay ku dari doonaan 15 milyan oo ku xirnaan doonta qaab ciyaareedka ciyaaryahan. (The Sun)

Weeraryahanka Manchester United Odion Ighalo ayaa laga mamnuucay xerada tababarka ee Manchester United iyadoo laga baqayo feyruska Carona madaama uu Shiinaha ka yimid. (Daily Mirror)

Liverpool ayaa qorsheyneysa inay la soo wareegto weeraryahanka RBC Leipzig Timo Werner oo 23 sanno jir ah xagaaga iyagoo ku qarashgareynaya 46 milyan ginni. (Bild)

Xiddiga Barcelona Philippe Coutinho ayaa meesha ka saaray inuu ku laabanayo Liverpool isagoo sheegay inuu diyaar u yahay safar kale. (The Sun0

Manchester United ayaa si dhow u la socota xaalada qandaraaska 18 jirka garabka ka ciyaara ee kooxda Arsenal Bukayo Saka. (Daily Mail)

Tababaraha Everton Carlo Ancelotti ayaa diyaar u ah inuu sii dheereeyo qandaraaskiisa Goodison Park inkastoo uu heshiis waqti dheer saxiixay bishii December. (Daily Mail)

Real Madrid ayaa u calaamadeysatay weeraryahanka Everton Moise Kean oo 19 sanno jir ah weeraryahan ay doonayaan mustaqbalka. (Teamtalk)

Liverpool ayaa kula dagaalami doonta Real Madrid saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Inter Milan 27 jirka Marcelo Brozovic. (Daily Star)

Tababare Frank Lampard ayaa doonaya inuu ugu yaraan la soo wareego afar ciyaaryahan xagaaga iyadoo Chelsea ay qarashgareyn doonto 150 milyan euro. (Metro)

Tababaraha kooxda Juventus Maurizio Sarri ayaa qirtay in Aaron Ramsey aysan u sahlaneyn noloshiisa Talyaaniga taasoo sii hurisay wararka la xiriirinaya inuu ku laabanayo Premier League iyadoo ay xiiseynayaan kooxdiisa hore ee Arsenal, Manchester United, Liverpool iyo Chelsea. (Daily Mirror)

Advertisements

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR