Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Juventus ee Miralem Pjanic ayaa lagu soo waramayaa in uu doortay in uu ku biiro kooxda Barcelona isaga oo iska diiday kooxda Chelsea sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga reer Bosnia ayaa bartilmaameed u ah kooxo badan oo reer yurub ah oo ay ka mid yihiin Chelsea iyo Barcelona kuwaas oo doonaya saxiixiisa suuqa xagaaga.

Kooxda Juventus ayaa suuqa dhigtay xiddiga iyaga oo Chelsea iyo Barcelona-ba ka helay isku badalasho ay ku badalan doonaan xiddiga mid ka mid ah xiddigaha kooxdooda.

Chelsea ayaa ku rajo weynayd in ay hesho saxiixa Miralem Pjanic iyaga oo waliba diyaar u ah in ay Juventus miiska u saarto xiddiga Jorginho oo ay Juventus aad u dooayso.

Laakiin wargayska Mundo Deportivo ayaa sheegaya in uu xiddiga 30 jirka ah iska diiday Chelsea si uu ugu biiro kooxda Barcelona oo kaliya.

Advertisements

Miralem Pjanic ayaa kooxda Juventus u ciyaaray 167 kulan tartamada oo dhan tan ilaa markii uu kaga soo biiray Roma xagaagii 2016.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LLIKE OUR FACEBOOK PAGE