kooxda Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay isku dayayso sidii ay ula soo saxiixan laheyd weeraryahanka kooxda ay sida weyn uxafiiltamaan katirsan ee Manchester City Sergio Aguero.

Diego Costa oo xilli ciyaareedkii hore Chelsea u dhaliyay 20 gool ayaa loo badinayaa in uu isaga tagayo garoonka Stamford Bridge ka dib markii uu xumaaday xarriirka udhaxeeyay isaga iyo macalinkiisa Antonio Conte.

Chelsea ayaa horay waxa ay ugu guuldaraysatay saxiixa weeraryahankii kooxda Everton Romelu lukaku kaasi oo ku biiray kooxda Manchester United.

Sidookale kooxda Chelsea ayaa dooneysa weeraryahanka kooxda Borussia Dortmund Pierre-Emerick Aubameyang, balse wargeyska As oo kasoo baxa dalka Spain ayaa sheegaya in kooxda Chelsea uu bartimaameedkeeda kowaad yahay xiddiga xulka qaranka Argentina Aguero.

Aguero ayaa udhaliyay City 30 gool tartamado oo dhan ,laakiin 29 jirkaan ayaa waxa uu dareemayaa in uusan muhiim ka aheyn kooxda tan iyo imaanshiyaha Gabriel Jesus.

Wakiilka Aguero ayaa bishii hore waxa uu sheegay in xiddiga uu wakiilka u yahay uu ku faraxsan yahay joogitaanka garoonka Kooxda Manchester City.

Aguero ayaa kooxda City u dhaliyay 169 gool 253 kulan oo uu usaftay tan iyo markii uu 2011kii ugu soo biiray kooxda Atletico Madrid.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR