(London) 05 Dis 2019. Chelsea ayaa saddexda dhibcood ka qaadatay kooxda Aston Villa oo marti ugu aheyd garoonka Stamford Bridge, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-1 kulan ka tirsanaa horyaalka Premier League ee dalka England.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray barbaro 1-1 ah ay isku dhaafi waayeen labada kooxood Chelsea iyo Aston Villa.

Daqiiqadii 23-aad ee ciyaarta kooxda Chelsea ayaa hogaanka u qabatay dheesha waxaana 1-0 ka dhigay xiddiga reer England ee Tammy Abraham, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Reece James

Balse daqiiqadii 41-aad kooxda Aston Villa ayaa heshay goolka barbaraha waxaana 1-1 ka dhigay ciyaarta Mason Mount, iyadoo uu goolkan ka caawiyay Ahmed Elmohamady

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada kooxood ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 48-aad kooxda Chelsea ayaa la wareegtay hogaanka ciyaarta waxaana 2-1 ka dhigay Mason Mount, xilli uu caawinta goolkan lahaa Tammy Abraham.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo idlaatay 2-1 ay Chelsea guul kaga gaartay kooxda Aston Villa oo marti ugu aheyd garoonka Stamford Bridge.

SAWIRRO:

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR