( Premier League ) 05 Dis 2018. Kooxda Cheslea ayaa qasaaro 2-1 kala soo laabtay Burnley kulankii ay arkeen cayaaraha Premier League bartamaha todobaadkan.

Qeybta hore kulanka ayaa lagu kala maray 1-0 oo ay ku hogaanimeysay kooxda Cheslea waxaana hogaanka u dhiibay Ruben Loftus-Cheek daqiiqadii 16-aad kaddib kubbad ku dhacday daafaca naadifa guriga.

Dib markii loogu soo laabtay kaambiyaha dheesha kooxda Wolves ayaa sameesay bandhig cayaareed aad u wanaagsan waxayna la yimaadeen natiijo wanaagsan.

Goolka barbarha waxaa u dhaliyay Raul Jimenez daqiiqadii 59-aad ka hor inta uusan goolka guusha dhalin xiddiga Diogo Jota markii dheeshu socotay 63-daqiiqo.

Waa guuldarradii labaad ee soo gaarta Blues xagaagan horyaalka Premier League kaddib qasaaro xanuun badan oo kasoo gaartay Spurs.

Dhanka kale Liverpool ayaa guul soo laabasho ah ka gaartay dhigeeda Burnley oo ay kaga adkaadeen 3-1.

Burnley ayaa hogaanka cayaarta qabatay markii dib loogu soo laabtay qeybta labaad waxaana u dhaliyay goolka daah furka Jack Cork.

Balse Liverpool waxay kaga mahad celineysaa goolasha ay ku adkaatay laacibiinta kala ah James Milner, Roberto Firmino, Xherdan Shaqiri.

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR