Ciidamada Amisom ayaa maanta duhurkii waxaa qarax miino lagula eegtay agagaarka Isgoyska Ex-control Balcad ee Degmada Heliwaa.

Qaraxan oo dhawaqiisa laga maqlay Degmada Heliwaa, ayaa waxaa la sheegay inuu qabsaday gaari ay wateen Ciidamada Amisom.

Lama oga Khasaaraha Ciidamada Amisom ka soo gaaray qaraxaasi, balse Ciidamada Amisom ayaa qaraxa kadib waxa ay fureen rasaas.

Wararka waxa ay sheegayaan in Ciidamada Amisom ee qaraxan lala eegtay ay u socdeen dhanka Xerada Maslax oo Saldhig ay ku leeyihiin Ciidamada Amisom.

Al Shabaab ayaa inta badan miinooyin waxa ay ku aasaan wadooyinka ay isticmaalaan Ciidamada Amisom, gaar ahaan goobaha laamiga uu ka bur bursan yahay oo qaraxyo ay galiyaan.

Amisom ayaa dhawr qarax Miino waxaa lagula eegtay nawaaxiga Isgoyska Ex Control Balcad ee Degmada Heliwaa.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR