Gudoomiyaha Degmada Buulo burde ee Gobolka Hiiraan Cabdi Daahir Guurre, ayaa sheegay ciidamada dowladda inay fashiliyeen qarax miino oo lagu aasay wadada isku xirta Garoonka iyo Magaalada Buulo burde gudaheeda.

Cabdi Daahir Guurre, ayaa sheegay Shabaab inay qaraxaan ku aaseen halkaasi si ay dadka shacabka ah ugu waxyeeleeyaan, balse ciidamada ay arrintaasi ka hortageen.

Goobta miinada ay ku aasneyd ayaa Gudoomiyaha wuxuu sheegay ciidamada inay ka soo qabteen saddex ruux oo Shabaab looga shakiyay, kuwaasi oo hadda ay ku socdaan Baaritaano kala duwan.

Wuxuu sheegay saddexda ruux in la geeyay Saldhiga Magaalada Buulo burde, halkaasi oo ciidamada amniga ay ku baarayaan.

Wadada isku xirta Magaalada Buulo burde iyo Garoonka Diyaaradaha Magaaladaasi, hadda ka hor waxaa ka dhacay qarax miino oo dad shacab ah iyo ciidan waxyeelo kala duwan ka soo gaartay.

Al Shabaab ayaa qaraxyada miinada ku aasa wadooyinka ay isticmaalaan ciidamada dowladda ee Gobolka Hiiraan.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR