Boosaaso(RBC Radio) Ciidamada Xoogga Puntland ee PSF ayaa deeq ku wareejiyey Isbitaalka guud ee magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Deeqdan ayaa ahayd lacag dhan sideed kun oo doolar taasoo ay ugu talagaleen ka qeybqaadashada dhisme lagu kordhinayo Isbitaalka weyn ee Boosaaso.

Dhismahan cusub ayaa qeybta gargaarga degdega ah waana dhisme waxtar u leh shacabka Puntland.

Ciidankan ayaa had iyo jeer u taagan difaaca dalka iyo garab Istaaga shacabkooda ,iyadoona lacagtan deeqda ah ay ka jareen mushaarkooda.

Taliye Kuxigeenka Ciidanka Xoogga Puntland ee PSF Cabdiqaadir Cabdi Axmed oo wareejiyey lacagta ayaa sheegay in mar kasta ay diyaar u yihiin ka qeybqaadashada danta guud ee shacabka.

Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Boosaaso Cabdullaahi Siciid Aw-Muuse oo lacagta lagu wareejiyey ayaa u mahadceliyey ciidanka PSF iyo saraakiishooda.

RBC Radio

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR