Saddex ka tirsan ciidanka Keydka ah ee dalka Kenya ayaa lagu dilay weerar gaadmo oo ay kooxo hubeysan ka geysteen deegaanka, Igembe Central oo ka tirsan Meru.

Ku simaha deegaanka, Igembe Center, Rashiid Xulbaale, ayaa sheegay inay sidoo kale weerarkani ku dhaawacmeen Laba ka mid ah ciidanka Keydka, kuwaas oo lagu dabiibayo Isbitaalka guud ee Isiolo.

Jariirada The Star ayaa maanta oo Khamiis ah qortay in raggan la laayay xilli ay socdeen howl-gallo ka dhan ah Ururka Al Shabaab.

Xildhibaan, Kubai Kiringo oo laga soo doorto deegaanka Igembe Central, ayaa Madaxweynaha dalkaasi, Uhuru Kenyatta ka codsaday in la soo fara geliyo xaaladda lana xakameeyo weerarrada ka dhaca Isiolo.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR