Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa jab xooggan gaarsiiyay rag ka tirsan Al Shabaab oo weerar ku qaaday fariisin ay Ciidanku ku leeyihiin Deegaanka Ceel-la heley ee Gobalka Bakool.

G/sare Warsame Maxamed, oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku sugan halka uu dagaalka ka dhacay ayaa warbaahinta Dowladda u sheegay in weerarka ay Al Shabaab kaga dileen Maleeshiyaad badan, iyagoo u firxaday dhinaca Deegaanka Garas weyne ee Gobolka Bakool.

Taliye Warsame ayaa sheegay in ay ku raad-joogaan firxadka Al Shabaab oo uu sheegay in ay qaar ka mid ahaa dhaawacooda oo geeriyoodayna ay waddada uga tageen, isagoo u mahadceliyay shacabka Deegaannadaas oo kaalin ka geystay guusha ay ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Argagixisada.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR