(Moscow) 13 Juunyo 2018 Kulan xasaasi ah ayaa dhex maray madaxwaynaha xiriirka kubadda cagta Spain ee Luis Rubiales iyo ciyaartoyda xulka ku matalaya koobka adduunka.

Ciyaartoyda oo uu hogaanka u haayo Ramos ayaa isku dayay inay ku cadaadiyaan madaxwaynaha FA-ga Spain inuusan shaqada ka cayrin tababare Julen Lopetegui.

Radio Marca ayaa baahiyay in ciyaartoyda xulka Spain ay u sheegeen madaxwaynaha in tani aysan koox ahayn balse uu yahay xulka qaranka Spain ayna haboon tahay in laga fiirsado go’aanada qaar.

“Halkaani koox ma ahan, waxaan halkaan u imaanay ku guulaysiga koobka adduunka, waan ognahay in wixii dhacay ay yihiin wax xanuun badan, laakiin dib u laq caradaada oo noo ogolaaw inaan ciyaarno” ayeey dheheen ciyaartoyda xulka Spain.

Laakiin Rubiales ma dhagaysan hadalkaas, wuxuuna ka dhabeeyay go’aankiisa ahaa inuu cayriyo Julen Lopetegui hal maalin ka hor koobka adduunka iyo labo maalin ka hor kulanka ugu horeeya ee xulka Spain uu la ciyaarayo Portugal.

Gool FM

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR