Xulka qaranka Colombia ayaa guul daro wayn baday xulka Poland oo ay guuldaradii labaad oo xidhiidh ahi ku soo gaadhay koobka aduunka. Colombia ayaa si layaableh sare ugu soo qaaday rajadii ay koobka aduunka ka qabtay kadib markii ay 3-0 ku dubteen Poland iyada oo xulka qaranka Poland ay dhibaato kale oo waji gabax ahi soo gaadhay..

Xulka Qaranka Colombia ayaa guushan gaadhay waqti ay si wayn ugu baahnaayeen in ay ka soo kabsadaan guuldaradii Japan ka soo gaadhay waxayna yeesheen 3 dhibcood iyada oo xulalka qaramada Senegal iyo Japan ay min 4 dhibcood leeyihiin taas oo la micno ah in Poland ayna wax dhibco ah haysan labadii kulan ee ay soo ciyaareen.

Waxaa goolasha Colombia daah furay difaaca dhexe ee Yerry Mina kaas oo kubbad si xaro leg looga soo shaqeeyay ku dhaliyay goolka furitaanka markii ay ciyaartu socotay 40 daqiiqo ee dhamaadkii qaybtii hore waxaana goolkan shaqo fiican ka soo qabtay  Falcao ,Cuadrado iyo James Rodriguez oo caawinta goolkan sameeyay.

Xulka qaranka Poland ayaan awoodin in uu qaybtii hore ciyaarta ku soo laabto taas oo keentay in 1-0 uu xulka qaranka Colombia waqtigii nasashada hogaanka ciyaarta ugu hayay.

Laakiin qaybtii labaad ee ciyaarta xulka qaranka Poland ayaa iska lumiyay fursad ay markiiba goolka barbaraha ku keensan kareen iyada oo goolhaye David Ospina uu Robert Lewandowski u diiday fursad dahabi ahayd oo ay Poland ku soo laaban kareen.

Laakiin daqiiqadii 70 aad ayay ahayd markii uu Radamel Falcao xulka qarankiisa u dhaliyay goolka muhiimada wayn lahaa ee ay hogaanka ku dheeraysteen kadib markii uu caawin ka helay J. Quintero wuxuuna goolkani dilay rajadii ay Poland ka qabtay in ay ciyaarta dib ugu soo laabto.

Shan daqiiqo oo kaliya kadib xulka qaranka Colombia ayaa ciyaarta dilay waxayna kafanka u xidheen xulka qaranka Poland kadib markii uu Juan Cuadrado ugu qubeeyay goolka saddexaad ee ay ceebta kula kulmeen iyada oo James Rodriguez uu sameeyay caawintiisii labaad ee kulankan.

Ciyaarta ayaa noqotay 3-0 ay Colombia ku dubanayso Poland oo hore guuldaro ugala soo kulantay Japan taas oo waji gabax wayn ku noqotay xulka uu hogaaminayay Robert Lewandowski oo wax badan laga filayay kadib markii ay si cajiib ah ugu soo baxeen koobka aduunka.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 3-0 uu xulka qaranka Colombia ku dubtay Poland isla markaana ay kaga soo kabsadeen guuldaradii Japan ka soo gaadhay laakiin Poland ayaa dhibaato kale sii dheg gashay. Senegal iyo Japan ayaa min 4 dhibcood ku haya hogaanka Group H halka Colombia ay 3 dhibcood rajadeeda sare ugu soo qaatay balse Poland ayaan hal dhibic ka helin labadii kulan ee ay ciyaareen taas oo keentay in ay koobka aduunka iskaga hadheen

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR