Tartanka ugu da’da weyn ee ay qaaradi qabsato ee kubadda cagta ah oo ah Copa America ayaa markale caawa dib u bilaaban doona markii 46-aad ee taariikhda waxaana gegida Estadio do Morumbi ku balansan xulka marti gelinaya tartanka ee Brazil iyo Bolivia.

Brazil ayaa koobkan bilaaban doona iyaga oo ah xulka ugu cad cad ee ku guuleysan doona 7-da bisha July balse Copa America ayaa ahaa mid ay kuso dhibtoonayeen sanadihii ugu dambeeyay.

Dhaawaca tartankan u diiday hoggaankii weerarka xulka ee Neymar JR ayaa dhirbaaxo ku ahaa balse wicitaanka Willian iyo in xiddigo kale oo tayo badani ay joogaan ayaa ah mida aan werwerka badan ku ridayn.

Willian ayaan la filayn inuu kulankaas kusoo bilawdo shaxda tababare Tite waxaana booska Neymar inta ugu badan ku dagaalami doona Neres oo Ajax ka tirsan iyo weeraryahanka Everton ee Richarlison kuwaas oo goolal soo dhaliyay kulankii Honduras.

Sidoo kale waxa kulankaas laba gool kasoo dhaliyay Gabriel Jesus taas oo la micno ah inuu saddex gool kasoo dhaliyay laba kulan saaxiibtino isla markaana uu markale keydka ku celin doono Roberto Firmino.

Dagaalka kale ayaa la filayaa inuu dhex mari doono goolhayayasha Manchester City iyo Liverpool ee Ederson Moraes iyo Alisson Becker balse saadaasha ayaa u badan in Alisson uu soo hormari doono.

Shaxaha Macquulka Ah Ee Brazil vs Bolivia Ee Kulanka Caawa

Brazil: Alisson; Alves, Marquinhos, Silva, Luis; Arthur, Fernandinho; Richarlison, Coutinho, Neres; Jesus

Bolivia: Lampe; D Bejarano, Haquin, Jusino, M Bejarano; Castro, Galindo; Saavedra, Justiniano, Chumacero; Martins

Natiijooyinkii Xulalkan Ee Min Lixdii Kulan Ee Ugu Dambeeyay

Brazil: Shan Guulood Iyo Hal Bar-Bardhac

Bolivia: Saddex Bar-Bardhac Iyo Saddex Guuldarro

Kulankan Ayaa La Ciyaari Doonaa 3:30 Habeenimo Ee Wakhtiga Geeska Africa

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR