cr

(Europe) 14 Nof 2017. Cristiano Ronaldo ayaa markale ku guuleystay abaal marinta sanadlaha ah ay bixiso jariiradda Goal ee Goal 50 2017.

32 jirka ayaa soo ceshtay abaal marinta oo markii labaad oo xiriir ah hananaya kaddib markii uu kooxdiisa ku hogaamiyay labo Champions League oo isxigta.

Ronaldo ayaa abaal marintan ku garaacay goolhaya xulka Talyaaniga iyo kooxda Juventus Buffon oo isagu markii ugu horreysay soo galay kaalinta labaad oo booskii ugu sarreeyay uu abaal marintan ka soo galo waxay ahayd kaalinta 16-aad sanadkii 2015.

Luka Modric ayaa kaalinta saddexaad soo xirtay kaa oo lagu qiimeeyay doorkii muhiimka ahaa uu qadka dhexe uga ciyaaray Real Madrid tartankii Champions League gaar ahaan Finalkii lagu qabtay Wales.

Messi Modric Buffon Goal 50

Wixii ka horreeyay sanadkii la soo dhaafay, laacibka afarta jeer ku guuleystay abaal marinta Goal 50 ee Lionel Messi marna ma galin wax ka hooseeyay saddexda sare laakiin markale ayaa kolkan loo dhigay kaalinta 4-aad.

Sergio Ramos oo loo doortay daafaca sanadka ayaa soo galay 5-aad halka wiilka ugu qaalisan kubbada cagta ee Neymar uu soo galay lixaad.

Kylian Mbappe, N’Golo Kante, Dybala iyo Toni Kroos ayaa dhammeystiraya liiska 10-ka sare.

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR