Daafaca Kooxda kubadda cagta Barcelona, ee Gerard Pique, ayaa wuxuu hor yimid wariyaasha ka hor kulanka ay la balansan yihiin Naadiga Real Madrid ee ka tirsan Lugta Koowaad ee Koobka Supercopa, dalka Spain.

Ciyaaryahankaan ayaa waxaa wax laga weydiiyay sheekooyinka ku aadan sababta uu Neymar kaga tegay Barcelona, hadaladii uu soo dhigay Baraha bulshadda ka hor inta uusan bixin xiddigan iyo waxyaabo kale.

Wuxuu sheegay in markii uu dhahayay “Neyamr waa uu joogayaan” uu ka war qabay in laacibkaan uu ka socdo camaaliqadda dalka Spain, wuxuuna sharaxay sida uu u ogaata iyo halka uu ku sheegay.

“Markii aan joognay arooskii Lionel Messi, wuxuu fikrad ahaan umuuqday mid doonayay inuu ka tago Kooxdaan Barcelona,” ayuu hadalkiisa kusii daray xiddiga xulka qaranka Spain iyo Barcelona.

“Isaga, wuxuu naga doortay lacag badan oo Akoonkiisa ugu dhacdo,” ayuuna sii raaciyay Ciyaaryahankaan, isagoona sheegay inay diyaar uyihiin inay la wajahaan maalinka Berito ah, Naadiga Los Blancos.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR