Laacibka PSG, ee Dani Alves, ayaa wuxuu sheegayaa in gooldhaliyaha kooxda Manchester City ee Gabriel Jesus, uu noqon doono midka u bedali doono qaranka Brazil, halyeeygii weynaa ee wadankas Ronaldo Nazario.

Wuxuu u qaaday Ronaldo, dalkiisa, koobab badan oo uu ugu horeeyo koobka aduunka, waxaana isaga iyo laacibiin kale, oo wadankaan soo maray ay ka dhigeen Brazil, xulka ugu badan ee ku guuleysta World Cup.

Ronaldo, ayaa waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay weerar yahan halis ah, islamarkaana aanan soo mari doonin isaga oo kale, dalkaas, balse, waxaa sheekadaas meesha ka saaray Dani Alves.

“Marka la joogo xaerada tababarka, waa lagu sheegaa inuu yahay New Ronaldo, dabcan, waa la dhihi karaa, sababtoo ah, wuxuu udheelaa sidiisa oo kale, wuxuuna si dhaqsi ah uu ku gaara shabaqa,” ayuu yiri Alves.

Wuxuu sii raaciyay hadalkiisa: “Waxaan ku faraxsan nahay shaqada uu qabanayo, waxaana ka fileynaa inuu heer ka gaaro kubada cagta, wuxuuna sameynayaa waxa uu shaqsi ahaan uu ujecel yahay isaga.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR