Dhawaan ayay ahayd markii ay Manchester United shaacisay saxeexa daafacii kooxda Crystal Palace ee Aaron Wan-Bissaka kaas oo ay lacag dhan 50 Milyan kasoo bixiyeen si uu ugu gufeeyo booska daafaca midig ee uu Antonio Valencia ka tagay.

Wan-Bissaka ayaan ahayn saxeexa kaliya ee ilaa haatan soo gaadhay Old Trafford balse sidoo kale Daniel James oo 21 sano jir ah ayaa kaga soo biiray dhinaca Swansea City isaga oo 15 Milyan ugu qiimaysan.

Ilaa haatan madaxda suuqa ee Manchester ayaa u muuqda kuwo ku shaqaynaya siyaasada tababare Ole Gunnar Solskjaer ee ah in loo keeno xiddigo da’ ahaan yar oo mudo dheer shaqayn kara.

Haddaba, Iyadoo sidaasi jirto isla markaana ay jamaahiirta Red Devils waliba rajo gaar ah ka qabaan Wan-Bissaka ayuu awoodiisa ku dhex muujiyay tababarka waxaana uu caddeeyay sababta loogu naanaysay Caaro.

Xayawaanka caarada oo ah mid lugu dhaadheer leh ayaa AWB loogu magac daray waxaana u bixiyay xiddigihii ay kasoo wada tirsanaayeen Crystal Palace.

Sababta ka dambaysa naanaystaas ayaa ah in 21 jirkani uu aad ugu wanaagsan yahay taakal u dhigista xiddigaha kasoo horjeeda waana sida uu ku muujiyay tababarka isaga oo kubadda ka reebtay Juan Mata oo ka cag horreeyay.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalkan

 

Waxa xusid mudan in da’yarkan ree England uu soo ahaa xiddiga ugu badan ee taakalo soo sameeyay ee booska daafac midig ka ciyaara horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii hore.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR