Madaxweynaha DFS ayaa ku baaqay dagaal deg deg ah maalin kadib 14-kii Bishii hore markaas oo qaraxii ugu xooganaa uu ka dhacay Muqdisho.

Dad ka badan 600 ayaa ku waxyeeloobay qaraxaas waxaana jira dad weli la weysan yahay noloshooda ama dhimashadooda.

Laakiin, madaxweyne Farmaajo ayaa iclaamiyay dagaal ay dad badan u arkeen mid Shabaab loogu digayo.

HOOS KA DAAWO FAL CELINTII DFS EE QARAXII ZOOBE

Madaxda maamulada ayaa sidoo kale dowlada ku taageeray in Shabaab guud ahaan dalka laga saaro, laakiin dad badan ayaa isweydiinaya in dagaalkaas uu noqon karo mid guuleysta.

Warbaahinta DFS ayaa warbixin dheer ka diyaarisay jawaabta dowladu ka bixisay qaraxii Zoobe iyo hadii ay tahay mid lagu qanci karo.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA.

Dhismo xoogan ayaa haatan ka socda Zoobe, waxaana soo laabtay dhaq dhaqaaqdii dadka iyo gaadiidka laakiin bur bur xoogan ayaa weli jira.

Sidoo kale dadka ayaa muujinaya cabsi xoogan oo ay ka qabaan in weeraro kale dhacaan.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA.

Shabaab ayaa lagu eedeeyay qaraxaas, laakiin waa ay ku dhiiran waayeen iney sheegtaan, dadka arimaha amaanka la socda ayaase sheegay in bartilmaameedka gaariga qarxay uusan aheyn Zoobe.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR