Mohamed Salah ayaa xalay Anfield ku dhaliyay mid ka mid ah goolasha xili ciyaareedkan u tartamaya goolkii ugu fiicnaa ee Premier league kadib marii uu darbo cajiib ah kaga yaabsatay goolhaye Kepa kaas oo awoodi kari waayay in uu joojiyay kubbada lugta bidix ee Mohamed Salah ka soo baxday isaga oo waliba ka baxsanaa xerada ganaaxa Chelsea.


Jamaahiirta kooxda Liverpool ayaa ilaa hadda ku raaxaysanaya daawashada goolkii Mohamed Salah laakiin waxayba u qaadeen heer kale iyaga oo ku codeeyay muusigii filimkii aduunka oo dhan caanka ka noqday ee Titanic.

Goolhaye Kepa Arrizabalaga ayaa ku war helay darbo xoogan oo uu Mohamed Salah kaga soo toogtay meel 25 yards u jirtay laakiin xawaaraha kubbada ku socotay oo aad u dheeraynayay iyo Kepa oo aan markii hore diyaar u ahayn xaaladan ayaa keentay in Salah uu dhaliyay gool xusuus badan reebay.


Inkasta oo uu Mohamed Salah hore u diiday in uu goolkii Chelsea ka dhaliyay u dabaal dego, waxa uu markan bilaabay dabaal deg nooc kale ah kaas oo uu ku cadeeyay in markii uu goolkan dhaliyay ay maskaxdiisa ku soo dhacday ciyaarta Yoga-da taas oo uu dabaal degeeda sameeyay.

Mohamed Salah ayaa ka hor kulankii Chelsea waxa uu la kulmay cunsurinimo xun kadib markii ay qayb ka mid ah taageerayaasha kooxda Chelsea ee kulankii Europa League ee Slavia Prague ay ku heesayeen erayo ay Salah ugu ceebaynayaan in uu argagixiso yahay waxayna tix raacayeen caqiidadiisa muslimka ah balse waxa uu kooxdooda ku ciqaabay goolka hadda la saaray music-gii Titanic.


Haddii ay jamaahiirta kooxda Chelsea khamiistii Salah ku cunsuriyadeeyeen muslimnimadiisa waxaa Chelsea goolal ka dhaliyay laba ciyaartoy oo muslim ah oo kala ahaa Sadio Mane iyo Mohamed Salah.

Haddaba halkan ka daawo muuqaalka goolkii Mohamed Salah oo lagu codeeyay muusigii caanka ahaa ee filimkii Titanic.

Dhinaca kale falanqeeyaasha kulamada liveka ah ee Peter Drury iyo Martin Tyler ayaa si cajiib ah uga falceliyay goolkii Mohamed Salah iyaga oo qaab layaableh ugu dabaal degay waxayna muujiyeen sida uu goolkani mid cajiib ah u ahaa.

Halkan ka daawo falanqaybtii ninka Premier league ugu sumcada badan ee Peter Drury uu ka bixiyay goolkii uu Mohamed Salah dhaliyay.

Sidoo kale halkan ka daawo isla falanqaybtii uu ka bixiyay Martin Tyler ee goolkii Uu Salah ka dhaliyay Chelsea.

Mohamed Salah ayaa 19 gool ku qabtay hogaaminta Premier league inkasta oo ay Sergio Aguero isku goolal yihiin laakiin sharci ahaan Salah ayaa hadda ka sare maray Aguero.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR