Madaxweynaha Turkiga, Racep Tayyip Erdogan, ayaa tobanaan kun oo qof u jeediyey khudbad qiiro leh, dadkaas oo iskugu soo baxay xuska sannad guuradii koobaad ee ka soo wareegtay af-gembigii dhicisoobay ee ay shacabku dariiqyda magaalooyinka waawyen kaga hortageen.

Erdogan, ayaa amaanay dadka iyo xildhibaanadii golaha shacabka ee difaacay dimuqraadiyadda iyo xukuumadiisaba.

Wuxuu taageeray ciqaabta dilka ah ee lagu xukumay kuwii maleegay af-gembiga waxaanu yidhi waa in loo xidhaa dhar la mid ah kuwa loo xidho maxaabiista ku jira Guantanamo Bay.

Ku dhawaad 250 qof ayaa ku dhintay 2196 kalena way ku dhaawacmeen dagaalkii ay kala hortageen af-gembigii ay isku dayeen koox ka mid ah milatarigu 15 Juulaay sannadkii hore.

Dawladda ayaa tan iyo maalintaa qaadday olole ay ku ugaarsaneysay dadkii lagu eedeeyey in ay taageerayeen af-gembigaa, waxaana shaqada laga eryay in ka badan 150,000 oo shaqaale dawladeed ah sidoo kalena waxaa xabsiga loo taxaabay 50,000 oo qof.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR