Bil ka dib waxaa suura gashay in Shacabka lala wadaago  muuqaal ku saabsan qaraxii ka dhacay Zoobe 14-kii Octobar e sanadkan, ayadoo kaamirooyinka ay qabteen gaarigii qarxay iyo sidoo kale qaabka uu ku yimid halkaasi.

Gaarigan ayaa sida muuqaalka aad ku arkeysaan wuxuu si xowli ah uga yimid dhanka Isgoyska Banaadir, wuxuu si qasab ah kusoo galayaa seet uuna lahayn.

Wuxuu burburinayaa Gaari Homey iyo Mooto Bajaaj meesha mareysa, iyadoo halka uu ku qarxayana ay tahay meel aad u saxmad ah oo gaadiid badan ay xireen.

Muuqaal ay duubtay kaamirada Qarsoon ee loo yaqaano CCTV oo ku xirneyd agagaarka Isgoyska ayaa soo bandhigtay Gaariga xamuulka oo qaraxa fuliyay oo xowli ku socda, iyadoo wadada ay baabuur badan ku xayiran yihiin.

Gaariga xamuulka ee qaraxa fuliyay ayaa wadadii uu ku socday oo baabuur badan ku xayirnaayeen isku dayay, inuu maro wadada kale, iyadoo markaas uu dhacay qaraxii weynaa.

Muuqaalka ay duubtay Kaamirada Qarsoon ayaa waxaa laga sii daayay Telefishinka SNTV, wuxuuna ahaa ilbiriqsiyo kooban oo ah inta aanu qaraxa dhicin.

Bil ayaa ka soo wareegatay qaraxii weynaa ee ugu dhimashada badnaa ee taariikhda soo mara Soomaaliya, kaasoo 14-kii bishii October ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo galaaftay nolosha dad ka badan 400 oo ruux iyo dhaawaca boqolaal kale ayaa waxaa ka dhashay burbur lixaad leh.

Halkaan hoose ka daawo

Leave a comment

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR