Tartanka Copa America ayaa ah mid maraya meel aad u xiiso badan, Waxa xalay si rasmi ah loosoo af-meeray tartankaas wareegiisa Group-yada iyadoo haatan lagu jihaysanayo wareega siddeed dhammaadka.

Haatan ayaa wareega siddeed dhammaadka la ciyaari doonaa saddexda maalmood ee kala ah 27-ka, 28-ka iyo 29-ka bisha July iyadoo ay siddeeda dal ee soo baxay kala yihiin Brazil, Paraguay, Chile, Colombia, Peru, Uruguay, Argentina iyo Venezuela.

Kulankii ugu dambeeyay ee wareega Group-yada oo ahaa Group C kulankii ku dhex maray dalalka Uruguay iyo Chile ayaa ahaa mid lagu arkay dhacdooyin badan waxaana kamid ahaa hab dhaqankii Luis Suarez ee qosolka lahaa.

Suarez oo caadiyanba ah nin looga bartay inuu eegto qaladaadka ay xiddigaha kasoo horjeeda samaynayaan isla markaana uu buun-buuniyo garsoorka kulankana ku qalqaaliyo inuu ciqaabo ayaa markale falkaas ku kacay.

Dhacdada koowaad ee Suarez uu dadka kaga yaabsaday ayaa ah inuu xataa goolhaye kubadda gacanta ku qabsaday ku doonayay in rigoore loogu dhigo.

Goolhayaha Chile ayaa wajahay Suarez isaga oo ka badbaadiyay kubad uu soo tuuray balse Suarez ayaa garsooraha u tilmaamaya inuu gacan ku taabtay goolhayuhu kubadda isla markaana uu rigoore u dhigo.

Dhacdada labaad oo ah mid sidoo kale qosolkeeda wadata ayaa dhacday kaddib markii xiddiga Chile ee Gonzalo Jara uu laagay taageere garoonka soo dhex cararay, Suarez ayaa deg deg ugu ordaya dhinaca garsoorka si uu ugu qalqaaliyo in Jara ciqaab la mariyo.

Halkan Ka Daawo Muuqaalada Labadan Dhacdo

 

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR