Shaqsiyaadka caanka ah ee aduunka ayaa ku kala duwan sportska ay taageeraan, waxaana jira shaqsiyaad aan kubbada cagta ku dhex jirin balse haddana taageero badan u haya isla markaana aanu dhaafin hal kulan.

Feedhyahanka Muslimka ah ee Khabib Nurmagomedov ayaa waraysi xiiso badan oo uu bixiyay waxaa lagu waydiiyay kooxda uu taageero iyo xusuusta uu kubbada cagta ku leeyahay.

Dagaal yahankan Khabib Nurmagomedov oo aan ilaa hadda wax guuldaro ah soo arag kadib markii uu 27 dagaal oo UFC ah galay waxa uu sheegay xusuusta ay ku leedahay kooxda Liverpool iyo finalkii mucjisada ahaa ee Istanbal ka dhacay sanadkii 2005 kii.

Waxa kale oo Khabib Nurmagomedov si buuxa u shaaciyay in uu taageere wayn u yahay kooxda caasimada Madrid ka dhisan ee Real Madrid.

Khabib ayaa waraysi muuqaal ah oo uu siiyay BT Sport waxa ku cadeeyay in aan hal kulan oo kooxda Liverpool ah oo tartanka Champions league ahi seegin halka uu horyaalka premier league ku tilmaamay horyaalka aduunka ugu fiican.

Khabib Nurmagomedov oo 30 sano jir ah ayaa isku diyaarinaya dagaalkiisii 28 aad ee waayihiisa UFC oo ah dagaalka feedhka, laaga iyo ledginta iskugu jira.

Ugu horayn Khabib Nurmagomedov ayaa la waydiiyay in uu yahay taageere kubbada cagta ah oo koox leh wuxuuna yidhi: “Anigu kaliya ma ahi taageere, waxaan filayaa in aan ogahay taariikh aad u wayn oo kubbada cagta ah sida horyaalka Ingiriiska ee Premier league, aniga ahaan waa horyaalka aduunka ugu fiican”.

Khabib oo jacaylka uu Liverpool u hayo iyo xusuustiisii carruurnimo ee finalkii UCL ee Istanbul ka hadlaya ayaa yidhi: “Anigu waxaan jecelahay Liverpool. waxaan xusuustaa markii aan carruurta ahaa ee 2005 kii markaas oo aan Liverpool vs AC Milan ku daawaday Dagestan”.

“Waxaanu garoonka ku haysanay shaashad wayn oo Tv ah, kumanyaal dad ah ayaa kulankan daawanayay” ayuu Khabib hadalkiisa sii raaciyay.

Khabib ayaa sheegay in markii ay Liverpool guuldarada 3-0 ka ahayd ay qaybtii hore ee finalkii Champions league ee AC Milan ay ku jirtay, in uu isagu aaminsanaa in ay Liverpool soo laabanayso.

Khabib oo arintan ka hadlaya ayaa yidhi: “Waxay iyagu ku guuldaraysanayeen 3-0 waqtigii nasashada, xaqiiqdii anigu waxaan aaminsanaa : ‘Waxaa waajib iyaga ku ah in ay soo laabtaan, waxaa waajib iyaga ku ah in ay soo laabtaan’. Sababtoo ah anigu kooxdaas waan jeclaa, waxaa joogay Milan Baros, (Vladimir) Smicer, (John Arne) Riise, (Sami) Hyypia, anigu kan waan xusuustaa- Stevie Gerrard!”.

Khabib ayaa isla kooxda hadda ee Liverpool ku tilmaamay in ay tahay koox u fiican sida kooxdii uu mucjisadii Istnabul ku daawaday wuxuuna yidhi: “Waxay ahayd koox aad u fiican, laakiin iyagu haddaba sidoo kale waxay haystaan koox aad u fiican”..

Khabib ayaa qiray in uu dhamaan kulamadii Liverpool ee Champions league uu daawaday balse uu taageere wayn u yahay kooxda Real Madrid wuxuuna yidhi: “Waxaan daawaday dhamaan kulamadii Liverpool ee Champions league, laakiin waxaan ahay taageere wayn oo Real Madrid ah”.

Khabib ayaa lagu xusuustaa qaabkii uu uga soo xaadiray kulankii bishii November 2018 kii ka dhacay garoonka  Parc des Princes ee ay kooxaha Liverpool iyo  Paris Saint-Germain kuwada ciyaareen balse waxa uu xaqiijiyay in uu si joogto ah u daawanayay kulamada UCL ee Liverpool.

Halkan ka daawo waraysiga muuqaalka ah ee Uu Khabib Siiyay BT Sport:

UFC lightweight champ Khabib Nurmagomedov reveals his admiration for Liverpool’s 2005 Champions League win…

“I like that team. Milan Baros, Smicer, Riise, Hyypia… Steven Gerrard. Crazy team.” 😂pic.twitter.com/W2HeXf3zka

— BT Sport (@btsport) June 13, 2019

Khabib ayaa taageere khaas ah u ah xidiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah wuxuuna isaga waraysi kale kaga hadlayay uu yidhi: “Anigu waan la socdaa isaga, ka hor maanu kulmin, waa ciyaartoy fiican, waxaanu doonaynaa kuwo badan oo sidiisa noqon kara kuwo lagu daydo”.

“Waxay ka turjumayaan sawirka dhabta ah ee dhaqankayaga. Waxaan dareemayaa in uu Illahay garab taagan yahay Salah, waxayna jiilkayaga cusubi u baahan yihiin kuwa la midka ah Mohamed Salah si ay bini aadamnimada uga bartaan, micno ma laha sida aad caan u tahay ama aad ikhtiraace u tahay”. ayuu Khabib hadalkiisa ku daray.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR