Dadweyne ka careysayn dil ka dhacay Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal ayaa maanta isugu soo baxay Wadooyinka Bartamaha Garoowe ku yaala.

Dadkan ayaa aad uga carooday dil xalay qof shacab ahaa loogu gaystay Magaalada Garoowe, xilli la sheegay in uu dilkaasi gaystay askari ka tirsan Ciidamada Booliska Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in laamaha ammaanka ay markii hore soo xireen askarigaasi, balse mar dambe ay xabsiga ka sii daayeen, taasi ayaana kicisay dareenka dadweynaha.

Dadkan ayaa taayaro ku gubay wadooyinka halbowlaha u ah isu socodka Magaalada Garoowe, iyagoona dalbanayay in cadaaladda la horkeeno askarigii dilka gaystay.

Dadweynaha bannaanbaxa ka dhigay Magaalada Garoowe oo qaarkood ka soo muuqday muuqbaahiyaha ayaa sheegay inay ku qancaan oo qura dembiilaha oo sharciga la horkeeno.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR