Dagaal geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa waxa uu deegaano ka tirsan gobolka Gedo ku dhexmaray ciidanka Jubbaland oo garab ka heleya kuwa dowladda iyo Ururka Al Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al Shabaab ay saakay waaberigii hore weerar culus ku qaadeen fariisin ay ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ka sameysteen deegaan lagu magacaabo Hareer-Tuur.

Waxaa la sheegay deegaanka Hareer-Tuur oo u dhaxeeya degmada Balad-Xaawo iyo Tuulo Barwaaqo in shalay gelinkii dambe ay fariisimo cusub ka sameysteen ciidamada dowladda oo ka baxay degmada Doolow.

Ilo dhinaca Millatariga ah ayaa waxa ay Dhacdo.com u sheegeen in dagaalka uu geystay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, balse tirada rasmiga ah aan la xaqiijin karin.

Wararkii ugu dambeeyay ee aan heleyno ayaa sheegaya in dhinacyada dagaalamay ay weli is horfadhiyaan, islamarkaana dhaq dhaqaaq Millatari uu jiro.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR