Ciidanka Militariga Kenya iyo Xoogaga Ururka Al Shabaab ayuu dagaal faraha looga gubtay ku dhex maray xuduuda Somaliya iyo Kenya, iyadoo dagaalku uu ahaa mid ay soo qaadeen Xoogaga Al Shabaab.

Xoogaga Al Shabaab ayaa wadada u galay kolonyo ay la socdeen Ciidanka Kenya oo ka soo ruqaansaday xerada ay ku leeyihiin Deegaanka Ceel-raam ee duleedka Degmada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya. Ciidanka la weeraray ayaa la sheegay in ay ku sii jeedeen dhinaca Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Dagaalka ayaa ku bilowday miinooyin hareeraha wadada lagu diyaariyay iyo gantaalaha garbaha laga tuuro oo Shabaabku ay ku garaaceen kolonyadii ay la socdeen Ciidanka Militariga Kenya, waxaana xigay dagaal fool ka fool ahaa.

Dagaalka oo bilowday 2dii duhurnimo ee Talaadadii ayaa soo gaaray gelinkii dambe, waxaana uu dagaalku ahaa mid ay labada dhinac hubka noocyadiisa kala duwan isu adeegsadeen.

Ururka Al Shabaab ayaa sheegay in dagaalka ay ku dileen sagaal ka mid ah Militariga Kenya, halka ay kaga gubeen afar ka mid ah gaadiidkii ay ciidankaasi wateen. Shabaabku kama aanay hadlin khasaaraha dhinacooda ka soo gaaray dagaalkaasi.

Dhanka kale Taliska Militariga Kenya ayaan weli ka hadlin dagaalka qaraar ee Talaadadii ka dhacay deegaanada ku xeeran xuduuda labada dal.

Dagaalkan ayaa noqonaya noociisii ugu xooganaa oo labada dhinac muddooyinkii ugu dambeeyay ku dhex mara xuduuda labada dal.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR