Kooxaha Premier League ee si gaar ahaaneed ugu xifaaltama magaalada Manchester ee City iyo United ayaa lagu soo warramayaa inay ku kala adkaadeen tartankii ay ugu jireen daafaca Leicester City ee Harry Maguire.

Daafacan kasoo jeeda magaalada Sheffield ayaa bandhig aad u wanaagsan kasoo sameeyay koobkii aduunka ee 2018 waxaana intaas u dheerayd daafacasho heerkeedu sarreeyo oo uu Leicester kusoo bandhigay xilli ciyaareedkii tagay.

Harry ayuu  dhawaanahanba mustaqbalkiisu soo ahaa mid maalinba meel lagu sheegayay gaar ahaan markii uu isaga oo baraha bulshada adeegsanaya  soo sameeyay dhaq-dhaqaaqyo muran badan dhaliyay.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa doonaya daafac dhexe oo uu kooxdiisa kusoo xoojiyo kaddib bandhigoodii daafac ee aadka u liitay xilli ciyaareedkii hore.

Dhinaca kale Pep Guardiola ayaa doonaya shaqsi kooxdiisa u buuxiya booska uu banaynayo Vincent Kompany oo xor ku bixi doona iyadoo sidoo kale mustaqbalka Nicolas Otamendi uu yahay mid aan la hubin.

Dagaalka loogu jiray saxeexa daafacan ayaa ah mid ay ku guuleysteen Sky Blues waxaana la rajaynayaa inuu maalmaha soo socda noqon doono Maguire xiddig Manchester City ah.

Kooxdan ay mulkiilayaasha carbeed mulkiyadeeda leeyihiin ayaa ah mid waxkasta u samaynaysa daafaca Foxes waxaana ay ka dhigi doonaan daafaca ugu qaalisan taariikhda kubadda cagta.

City ayaa Maguire ka bixinaysa aduun dhan £80 Milyan waana lacag ka badan midii 75-ka Milyan ahayd ee ay Liverpool 18 bilood kahor kasoo bixisay Virgil Van Dijk.

Dhinaca kale Man City ayaa sidoo kale daafacan mushahar ahaan wanaajin doonta waxaana ay toddobaadkii jeebka ugu shubi doontaa £280,000 sida laga soo xigtay wargeyska Mirror.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR