Shabakada Gool24 ayaa halkan idiinku soo koobaysa qodobo kubbada cagta ah oo ay warbaahinta England hadal hayaan kuwaas oo qaar ka mid ahi ay farxad u yihiin kooxo waa wayn ee Premier League ah.

Halkan kaga bogo dhawr qodob oo aanu warbixintan idiinku soo koobnay kuwaas oo kooxaha Premier League iyo kubbada cagta England la xidhiidha.

1- Pual Pogba Oo Seegaya Kulanka Liverpool.

Paul Pogba ayay hubaal u muuqataa in uu seegi doono kulanka adag ee Manchester United soo dhawaynayso kooxda ay aadka u xifiltamaan ee Liverpool. Wargayska Daily Mail ayaa sheegay in Pogba uu seegi doono kulanka Liverpool isla markaana uu soo laaban doono dhamaadka October.

2- David Beckham Oo Doonaya In Uu Wakiil U Noqdo Mbappe.

David Beckham ayaa doonaya in uu noqdo wakiilka xidiga kooxda PSG iyo xulka qaranka France ee Kylian Mbappe kaas oo uu u bartilmaameedsanayo in uu ka bilaabo shaqada wakiilnimo ee ciyaartoyda kubbada cagta.

Mbappe ayaa loo arkaa in uu noqon karo badalka waqtiga dheer ee Ronaldo iyo Messi, laakiin Beckham ayaa bartilmaameedsanaya da’yarka reer France sidii uu wakiil ugu noqon lahaa.

3- Bukayo Saka Oo Aan Wali Loo Ogolaan Qolka Labiska kooxda Kowaad.

Da’yarka kooxda Arsenal ee Bukayo Saka ayaan wali loo ogolaan inuu soo fadhiisan karo qolka labiska kooxda kowaad inkasta oo uu saftay shan kulan oo kooxda kowaad ee Gunners ah.

Bukayo Saka ayaa xili ciyaareedkan isku soo muujiyay kulamadii kooxda kowaad ee uu ciyaaray, laakiin waxa uu wali ganaax ka saaran yahay in uu qolka labiska kooxda kowaad soo gali karo.

4- Didier Deschamps Oo Qalbiga u dajiyay Jamaahiirta Chelsea Ee Walaacii N’Golo Kante.

Tababaraha xulka qarnka France ee Didier Deschamps ayaa qalbi u dajiyay jamaahiirta Chelsea ee ka walwalsanaa dhaawicii N’Golo Kante wuxuuna Deschamps sheegay in sababtii uu Kante u seegay kulankii Iceland ay ahayd in uu taxadar ka muujinayay xalaada xidigan.

5- Alexandre Lacazette oo Arsenal Ka Farxinaya.

Alexandre Lacazette ayaa xoojin wayn u samaynaya Unai Emery kadib markii uu horumar ka sameeyay dhaawicii uu la maqnaa waxaana la filayaa in uu si buuxda ugu soo laabanayo tababarka kooxdiisa Gunners isaga oo isku diyaarinaya in uu si buuxda u soo kabsado.

6- Old Trafford Oo Dib U Qaabayn Lagu Samaynayo.

Mulkiilayaasha Manchester United ee Glazer Family ayaa qorshaynaya in ay dib u qaabayn ku sameeyaan Old Trafford sanadaha soo socda inkasta oo ay kooxdu wali ku dhibtoonayso in ay horumar samayso tan iyo 2013 kii markii uu Sir Alex Ferguson hawl gabay.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR