(England) 14 Sab 2018. David Silva ayaa sheegay inuu doonayo inuu ka tago Manchester City 2020 isla markaana uu ku biiro naadiga Las Palmas ee ka ciyaarta horyaalka Spain.

32-jirka qadka dhexe ayaa doonaya in Cunugiisa dhicisnimada ku dhashay ee Mateo uu ku koro meesha uu isagu ka yimid.

Las Palmas ayaa sanadii la soo dhaafay hoos ugu dhacday heerka labaad ee horyaalka La Liga balse Kubbad cag oo kaliya maanka kuma hayo Silva oo waxaa wax kasta uga horreeya qoyskiisa.

Wiilkiisa Mateo ee Dhicisnimada ku dhashay bishii December ayuu sheegay Silva inuu Jiif iyo Cuntaba ladi waayay intii uu dhibtoonayay wiilkiisa.

Related image

Wuxuuna iminka doonayaa in Canugiisa uu ku koro meeshii uu isagu ka yimid.

“Labo xilli ciyaareed oo kale ayaan doonayaa inaan u ciyaaro Man City, waxa ka harsan Qandaraaskeyga,” Silva ayaa sidaa yiri.

“Wixii intaa ka dambeeya ma garanayo. Waxay ku xiran tahay sida aan dareemayo jir ahaan iyo maskax ahaan. Waxaan had iyo jeer iraahdaa inaan jeclaan lahaa inaan u ciyaaro Las Palmas kooxdeyda xaafada.

“Laakiin waynu arki doonaa sida ay howluhu u socdaan labada sano ee soo socota.

“Waxaan jeclaan lahaa in Mateo uu ku koro meeshii aan ka imid.”.

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR