Advertisements

Kooxda Ajax ayaa si rasmi ah barteeda (Website) si rasmi ah ugu xaqiijisay in garabka kooxdeeda ee Hakim Ziyech uu suuqa xagaaga ku biiri doono kooxda Chelsea kaddib heshiis buuxa oo ay labada kooxood isla meel dhigeen.

Advertisements

Heshiiska uu Ziyech kula jiray Ajax ayaa ahaa mid gaadhsiisan ilaa sanadka 2022, Waxa uu kulankiisii ugu horreeyay u saftay kooxda ree Holland sanadkii 2016 kulan ay guul 1-0 ah ka gaadheen Vitesse.

Tan iyo wakhtigaas xiddigan ree Morroco ayaa usoo ciyaaray Ajax 160 kulan isaga oo 49 gool soo dhaliyay 52 kalena caawiye kasoo ahaa taas oo muujinaysa sida uu udub dhaxaad ugu ahaa kooxdaas mudada uu Amesterdam Arena kusoo sugnaa.

Ziyech ayaa xilli ciyaareedkan Ajax kula guuleystay koobka Cruyff Cup isagoo xilli ciyaareedkii hore kooxdaas la qaaday horyaalka si lamid ah KNVB halka loo magacaabay xiddigii sanadka ee Dutch Footballer of the Year.

Heshiiska uu 26 sano jirkani ugu biirayo Chelsea ayaa ah 40 Milyan oo euro iyadoo uu ugu dambayn heshiisku gaadhi karo 44 Milyan oo euro waana qiimo wanaagsan marka lala bar-bardhiga nooca tayo ee uu leeyahay.

Hakim ayaa noqon doona saxeexii ugu horreeyay ee uu tababare Frank Lampard sameeyo waayihiisa Chelsea iyo waliba saxeexii koowaad ee kooxda koowaad ah ee ay Chelsea qudheedu samayso mudo laba xilli suuq kaddib ah.

“Ajax iyo Chelsea waxa ay ka heshiiyeen heshiiska Hakim Ziyech, Ciyaartoygu waxa uu ku biiri doonaa kooxda Premier League ka tirsan 1-da July 2020 waxaana uu xilli ciyaareedkan ku dhammaysan doonaa Amesterdam” Ayay Ajax ku daabacday Website-keeda.

Advertisements

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR