Kooxda Arsenal ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in difaaca kooxdeeda ee Laurent Koscielny uu iska diiday in uu la safro kooxda inteeda kale waana dhibaato kale oo ku habsatay kooxda Gunners oo markii horeba la daalaa dhacaysay dhibaatada suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Laurent Koscielny ayaa la sheegay in uu dhawrkii todobaad ee ugu danbeeyay maamulka kooxdiisa Arsenal ka dalbanayay in si laba dhinac ah ay u kansalaan heshiiska uu kooxda ku joogo balse ayna taas dhegaysan maamulka Gunners taas oo keentay in uu hadda gadood sameeyay.

Laurent Koscielny ayaa doonaya in uu iskaga baxo kooxdiisa Arsenal wuxuuna diyaar u ahaa in uu qaab xor ah kaga dhaqaaqo Emirates Stadium oo ay kooxdiisa si wada jir ah heshiiska u kansalaan.

War saxaafadeedka rasmiga ah ee Arsenal ka soo baxay ayaa lagu yidhi: “Laurent Koscielny waxa uu iska diiday safarkeena US ee xili ciyaareedka ka horeeya. Waxaanu aad uga niyadjabsanahay ficilka Laurent kaas oo dhinac ka ah tilmaamahayaga cadaanka ah”.

Waxaana qoraalka Arsenal la si raaciyay: “Waxaanu rajaynaynaa in arintan la xalin doono isla markaana aanaan waqtigab ma bixin doonin faah faahin dheeraad ah”.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR