po

(Catalonia) 12 Agoosto 2017. Barcelona ayaa gacanta ku soo dhigtay laacibka qadka dhexe ee xulka Brazil Paulinho kaa oo ay kula soo wareegeen 40 milyan oo euro oo u dhiganta (£36.5m).

Laacibkii hore Tottenham ee la joogay kooxda Guangzhou Evergrande ee ka ciyaarta horyaalka Shiinaha tan iyo 2015 ayaa waxaa bartilmaameedsanayay kooxda ka arrimisa Nou Camp inta badan suuqa xaaaga iyadoona ugu dambeyn iminka dhammeystirtay saxiixiisa.

Barcelona ayaa dalabkeeda ku furtay 17 milyan oo qura bishii July tan iyo markaana way ku soo laa laabaneysay ilaa ay dhammeystritay iminka.

ppp

67 kulan ayuu u soo ciyaaray Tottenham ee ka dhisan Premier League labo sano uu la soo joogay isagoona u dhaliyay 11-gool inkastoo markii dambe 10 milyan looga iibiyay horyaalka Shiinaha 2015.

Mar uu hadlay laacibka bishii July isagoo mooday inuu soo dhow yahay heshiiska uu ugu biirayo Barcelona ayuu Mundo Deportivo u sheegay sidan:

“Waa fursad naadir ah inaan awoodo inaan u ciyaaro Barcelona, kooxda ugu fiican adduunka isla markaana ay ku hareeraysan yihiin laacibiinta ugu fiican.

“Waa inaan la hadlaa madaxwaynaheyga, tan iyo sida aan u helay qorshaha ma joojin inaan ka fikiro sidii aan ugu biiri lahaa Barca, waxaana sugayaa in wax kasta la xaliyo usbuucan.”.

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR