Kooxda Barcelona ayaa soo jeedisay in kulanka El-Clasico la ciyaaro 18-ka Diseembar kadib markii la isku raacay inaan la ciyaari karin 26-ka Oktoobar oo markii hore loo qorsheeyay, durba Real Madrid iyana waxey soo saartay bayaan ay ku xaqiijineyso iney la jaan-qaadeyso kooxda ka dhisan gobolka Catalonia.

Balaugrana kuma soo dhaweyn doonto Real Madrid garoonkeeda Camp Nou marka la gaaro 26-ka Oktoobar, waayo waxaa jira cabsi badan oo laga qabo iney sii kordhaan caqabadaha siyaasadeed ee ka jira gobolka Catalonia.

Inkastoo Barcelona ay dooratay maalinka Arbacada oo ay taariikhdu ku beegan tahay 18-ka Diseembar, hadana Real Madrid qudheeda wey ku qanacday.

Barcelona waxey soo saartay bayaan ay arintaan ku xaqiijineyso, sidoo kale waxey difaacday jamaahiirteeda iyo tusaaleynta dhaqankooda marka ay joogaan Camp Nou.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR