Lionel Messi ayaa markii lixaad oo rekoodh aduun ah ku guulaystay abaal marinta Ballon d’Or ee xidiga aduunka ugu fiican kadib markii uu abaal marintan ka hor qaaday xidigihii kula tartamayay.

Messi oo markale rekoodh ku dhigay abaal marinta Ballon d’Or ayaa isku darsaday abaal marintii FIFA bixisay ee The Best iyo Ballon d’Or si uu heer kale ugu qaado abaal marinaha shaqsiga ah ee uu ku soo guulaystay.

Cristiano Ronaldo oo sanadihii ugu danbeeyay ay Lionel Messi ku tartamayeen abaal marinta Ballon d’Or ayaan gabi ahaanba ka soo xaadirin xafladii paris ka dhacday ee dadka badan kulkmisay, waxayna noqotay goob loo bokhray gudoomida Messi ee Ballon d’Or.

Lionel Messi oo hore u noqday xidigii abid ugu horeeyay ee shan jeer ku soo guulaystay Ballon d’Or ayaa rekoodhkaas u lumiyay Cristiano Ronaldo oo ka barbareeyay balse markale Messi ayaa dhigay rekoodh cusub oo uu markii lixaad ugu guulaystay Ballon d’Or.

Advertisements

Lionel Messi ayaa abaal marinta Ballon d’Or markii ugu horaysay ku guulaysatay tan iyo wixii ka danbeeyay sanadkii 2015 kii laakiin haddana waxa uu abaal marintan ku dhigay rekoodh cusub oo isaga khaas u ah.

Waxaa kaalinta labaad ka galay codbixintii abaal marinta Ballon d’Or  difaaca kooxda Liverpool iyo xulka Holland ee Virgil van Dijk halka kaalinta saddexaad uu galay Cristiano Ronaldo oo aan xafladii abaal marintan ka soo qayb galin.

Lixda jeer ee uu Lionel Messi ku soo guulaysatay abaal marintan ee uu taariikhda cusub ku dhigay ayaa kala ahaa sanadihii (2009, 2010, 2011, 2012, 2015 iyo 2019).

Lionel Messi ayaa 46 gool ku soo dhaliyay 54 kulan oo uu sanadkan 2019 u soo ciyaaray kooxdiisa Barcelona iyo xulka qarankiisa Argentina wuxuuna Barca kula soo guulaystay koobkiisii 10 aad ee la Liga.

Halkan ka daawo markii uu Drogba ku dhawaaqay in Lionel Messi uu ku guulaystay abaal marinta Ballon d’Or iyo codkii sare ee xidiga reer Argentina lagu soo dhaweeyay.

Sadio Mane ayaa kaalinta afraad ka galay codbixintii abaal marinta Ballon D’Or waxaana ka horeeyay Messi oo abaal marintan ku guulaysatay , Van Dijk iyo Cristiano Ronaldo.

Luka Modric oo sanadkii hore ku soo guulaysatay abaal marinta Ballon d’Or ayaa xaflada looga dhex yeedhay wuxuuna goobta la soo galay abaal marintan oo uu sido isaga oo si toos ah ugu wareejiyay Lionel Messi. Halkan ka daawo.

Afarta Kaalmood Ee Ballon D’Or Ugu Sareeyay

4 – Sadio Mané (Liverpool)
3 – Cristiano Ronaldo (Juventus)
2 – Virgil Van Dijk (Liverpool)
1 – Lionel Messi (Barcelona) -Guulaysataha Ballon d’Or 2019

Advertisements

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR