Kooxda Liverpool ayaa heshiis waqti dheer ah ku abaal marisay geesigii kooxdeeda ka soo caawiyay ku guulaysiga koobka Champions League ee Divock Origi. Klopp ayaa Divock Origi ku qanciyay in uu mustaqbalkiisa waqtiga dheer u hibeeyo Liverpool.

Liverpool ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in xidiga kooxdeeda iyo xulka Belgium ee Divock Origi uu saxiixay heshiis cusub oo waqti dheer ah waxaana markii uu heshiiska saxiixayay miiska la soo saaray koobkii uu doorka layaabka leh ka qaatay ee Champions League.

Inkasta oo uu Divock Origi inta ugu bada xili ciyaareedkii la soo dhaafay uu kaydka ku soo qaatay waxa uu magiciisa aduunka oo dhan gaadhsiiyay dhamaadkii xili ciyaareedka kadib markii uu wacdaro layaableh la soo baxay.

Waqtigii koobnaa ee uu Divock Origi ka helay shaxda Jurgen Klopp waxa uu ku xaday quluubta jamaahiirta kooxdiisa Liverpool iyo waliba maamulka kooxdiisa kuwaas oo jacayl xad dhaaf ah u muujiyay tan iyo goolashii uu ka dhaliyay Barcelona iyo Tottenham ee kulamadii Champions league.

Markii uu Origi qalinka ku duugay qandaraaska cusub ee waqtiga dheer ah waxa uu isaga oo dareenkiisa ka hadlaya yidhi: “Anigu waxaan aad ugu faraxsanahay in aan awooday in aan saxiixo heshiiskan, xoojin ayayna ku siinaysaa bilawga xili ciyaareedka cusub iyo si la mid ah dhamaadka sanadkii hore, sidaa daraadeed aad ayaan u faraxsanahay”.

“Anigu markastaba raaxo ayaan halkan ku dareemayay, talaabooyin ayaan waayahayga ciyaareed soo qaaday, waxaan sheegay in aan kooxda halkan aan nin ku noqday, waxaan u saxiixay aniga oo 19 sano jir ahaa” ayuu Origi hadalkiisa sii raaciyay.

Origi oo ka hadlaya go’aanka uu heshiiskan cusub ku gaadhay ayaa yidhi: “Marka ay waajibka nagu ahayd in aanu go’aanka gaadhno waxaan la hadlay kooxda oo kaliya iyo dadka iga agdhow, laakiin dareenku waxa uu markastaba haaa in aan doonayay in aan qandaraaskayga kordhiyo”.

“Koox fiican ayaanu haysanaa, shaqaaluhu waa cajiib, xataa marka aad timaado Melwood dadka ka shaqaynaya iyo wax walba waxaad dareemaysaa in ay halkani tahay wax khaas ah” ayuu Origi oo faraxsani hadalkiisa ku sii daray.

Si kastaba ha ahaatee, Liverpool ayaa iska soo xidhay albaabkii mustaqbalka Origi kaas oo hadda door muhiim ah looga balan qaaday shaxda Jurgen Klopp kadib markii uu si buuxda isku soo muujiyay.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR