Tababaraha kooxda Barcelona ee Ernesto Valverde ayaa war aad u xun helay kadib markii ay hadda kooxdiisu warbixin caafimaad ka soo saartay Ousmane Dembele oo uu dhaawac culus oo kale soo gaadhay kadib markii uu xalay qayb ka qaatay kulankii ay Barca guusha wayn kaga gaadhay kooxda Lyon.

Ousmane Dembélé ayuu dhaawac soo gaadhay kulankii Rayo Vallecano laakiin waxa uu awooday in uu kulankii Lyon qayb ka noqday isaga oo badalay Coutinho wuxuuna muddadii uu garoonka ku jiray dhaliyay gool laakiin kadib waxaa soo gaadhay dhaawac cusub.

Barcelona ayaa hadda warbixin caafimaad ka soo saartay xaalada dhaawaca cusub ee Ousmane Dembélé kaas oo uu muddo bil ah la maqnaan doono. Barcelona oo gashay waqti xaasaasi ah isla markaana uwada tartamaysa saddexda koob ee Champions league, La Liga iyo Copa Del Rey ayuu warka dhaawaca Ousmane Dembélé dhibaato wayn ku yahay.

Ousmane Dembélé ayaa xili ciyaareedkan ka mid noqday xidigaha uu Valverde sida tooska ah adeegooda ugu xisaabtamayay iyada oo Coutinho uu lumiyay booskii uu shaxdiisa ku lahaa laakiin dhaawaca cusub ee soo gaadhay Demeble waxa uu fursad kale siinayaa Coutinho oo isna gool ka dhaliyay kulankii xalay ee Lyon.

Warbixinta caafimaad ee ay Barcelona ka soo saartay dhaawaca Demeble ayaa lagu yidhi: “Ousmane Dembele waxa uu subaxnimada khamiista baadhitaan ku maray adeega caafimaadka FC Barcelona waxaana la cadeeyay in dilaac muruqa lugtiisa bidix ahi uu soo gaadhay. Taas waxa uu micnaheedu yahay in uu ficilada ka maqnaan doono saddex ama afar todobaad”.

Ousmane Dembele ayaa kulankii Olympique Lyonnais ka ciyaaray 20 kii daqiiqo ee ugu danbeeyay wuxuuna dhaliyay goolkii shanaad ee ay Barcelona ku dhalisay Camp Nou wuxuuna ahaa goolkiisii 3 aad ee Champions league isaga oo hore goolal uga soo dhaliyay kooxaha PSV iyo Tottenham isaga oo gool dhalintiisa tartamada oo dhan gaadhsiiyay 14 gool.

Valverde ayaa muddada bisha soo socota aan ku xisaabtami doonin adeega Ousmane Dembele taas oo fursad wayn oo kale siin doonta xidiga fashilka lagu tilmaamay ee Philippe Coutinho kaas oo kulankii Lyon qaab ciyaareed fiican ka sameeyay markii uu shaxda Barca ku soo bilawday.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR