Qareenada laacibka dalka Brazil ee Neymar ayaa sheegay in uu ogolaaday in uu bixiyo ganaax lacageed oo dhan laba milyan iyo bar oo doolarka Mareekanka, si loo soo afjaro murranka kala dhaxeeya waaxda canshuuraha ee wadanka Brazil,Mid kamid ah qareenadiisa oo lagu magacaabo Marcos Neder ayaa sheegay in Neymar jr uusan ku qancin tirada lacagta uu bixinayo, balse madaama uu muddo dheer soo socday murranka salka ku haya lacagta canshuur ahaan looga goosan karo kharashaadka uu xayeysiinta ka helay wakhtigii uu u dheeli jiray kooxda Santos ee ka dhisan dalka Brazil.

Neymar oo ka tirsanaa ciyaaryahanada Naadiga Barcelona ayaa toddobaad kahor ogolaaday in uu u wareego kooxda Paris St Germain ee dalka Fransiiska.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR