Wararka inaga soo gaaraya Isgoyska Dabka ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya goor dhaw Qarax gaari inuu ka dhacay halkaasi.

Qaraxa gaari ayaa wuxuu ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoyska Dabka & Saldhiga Waaberi  sida Saraakiisha ay inoo xaqiijiyeen.

Qof goobooge ah ayaa sheegay inuu arkaayay illaa afar qof oo mayd ah oo Qaraxa ku dhintay & dad kale oo dhaawac ah.

“Walaalow gaari ayaa ku qarxay Saldhiga & Isgoyska Dabka inta u dhaxeysa dumar laamiga dhinaciisa qaad ku iibinaayay & dad shacab oo wadada maraayay ayaa ku dhintay argagax badan ayaa meesha ka jira.” Ayuu yiri Qof goobjooge ah

Gaadiidka gurmadka deg dega ayaa gaaray goobta ay wax ka dhaceen, halkaasi oo ay ka qaadayaan dhaawacyada ka dhashay Qaraxa.

Ciidamada Booliska Saldhiga Degmada Waaberi ayaa ku yaacay goobta ay wax ka dhaceen.

La soco wixii ku soo kordha 

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR